HomeWararDonald Trump:- “Qaraxyadda Brussels darteeda, haddii la ii doorto Madaxweyne, waxaan xirayaa...

Donald Trump:- “Qaraxyadda Brussels darteeda, haddii la ii doorto Madaxweyne, waxaan xirayaa xuduudaha Maraykanka”.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Musharaxa u taagan Xilka Madaxtinimadda ee Donald Trump ayaa hadalkaasi sheegay mar uu maanta ka hadlayey qaraxyaddii ka dhacay caasimadda dalka Belgium ee Brussels, wuxuuna sheegay in Dhacdada maanta ku khasbayso inuu xiro xuduudka Maraykanka. Waxa uu sii raaciyey:- “Waan xiri doonaa Xuduudaheenna, waxaana nahay kuwo doqomo oo aan taxadar lahayn”. Donald Trump oo ka […]

- Advertisement -

Musharaxa u taagan Xilka Madaxtinimadda ee Donald Trump ayaa hadalkaasi sheegay mar uu maanta ka hadlayey qaraxyaddii ka dhacay caasimadda dalka Belgium ee Brussels, wuxuuna sheegay in Dhacdada maanta ku khasbayso inuu xiro xuduudka Maraykanka.

Waxa uu sii raaciyey:- “Waan xiri doonaa Xuduudaheenna, waxaana nahay kuwo doqomo oo aan taxadar lahayn”.

- Advertisement -

Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Republican-ka waxa uu Twitterkiisa soo dhigay Digniin uu u jeediyey Dadka Maraykanka, isagoo ugu baaqay inaad u feejignaadaan.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii in ka badan 34 qof ku geeriyootay, 170-kalena ku dhaawacmeen qaraxyo maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha iyo Maxadada laga raaco Tareenadda dhulka hoostiisa mara ee magaalladda Brussels.

Trump waxa kale oo bartiisa Twitterka dhigay inaysan Belgium ka duwanayn Maraykanka, loona baahan yahay in la yeesho feejignaan caaqilnimo leh.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Maalqabeenkaasi waxa uu Wareysi kale siiyey Telefishinka NBC ee Barnaamijka Maanta, waxa uu yiri: “Ka Madaxweyne ahaan…Aniga waxaan ku adadkaan doonaan Xuduudaha, mana oggolaanayo inay dalkeenna soo galaan dadka qaarkooda haddii aysan wadanin Dukumentiyo  dhamaystirnayn”.

Musharaxa Donald Ronald ayaa u muuqda Maalqabeen galti ka ah Siyaasadda iyo Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna ku il-duufayaa Balaayiinta Dollar ee uu haysto oo uu u maleeyo inuu ku tiigsan karo Doorashadda  Madaxtinimadda.

Waxa uu horey u soo bandhigay Siyaasad uu ku muujiyey Nacaybka uu u hayo Islaamka, wuxuuna mar kale xalay sii sheegay haddii uu Madaxweyne noqdo inuu Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin Israel u soo wareejin doono magaalladda Quddusta la-haysto (Jerusalam).

Tallaabadaasi ayaa muujinaysa inuu Donald Trump yahay Nin ku Aragti ah Naasigii Hitler, haddiiba uusan ka sii liidanin.

©Radio Dalsan

Latest stories