HomeWararMadaxweynaha oo maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula dardaarmey adkeynta amniga

Madaxweynaha oo maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula dardaarmey adkeynta amniga

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga dalbadey madaxa cusub ee KMG ee amniga iyo maamulka garoonka, S/Guuto Cabdi Ashkir Jaamac inuu isbeddelo dhinaca amniga rakaabka, diyaaradaha iyo garoonkaba sameeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tayeynta amniga iyo maamulka Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan uu sare u qaadi karo sumcadda garoonka iyo kordhinta duulimaadyada caalamiga ee garoonka adeegsan kara.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Wasiir Ku xigeennada Arrimaha Dibedda, Amniga, Gaadiidka, Taliyaha Ciidanka Booliska, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan, Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday dhismaha cusub ee saldhigga booliska ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan.

airport2
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories