HomeWararKenya oo Xerada Dhadhaab ku tilmaantay meel ay ku tarmaan Alshabaab.

Kenya oo Xerada Dhadhaab ku tilmaantay meel ay ku tarmaan Alshabaab.

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Xiriiriyaha Dowladda Kenya ugu qaabilsan Ammaanka Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Cali Salaax ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu kulan la qaatay Wafdi ka socda Hay’adda UNHCR iyo Midowga Afrika oo booqasho hawleed ku tegay Xeradda Dhadhaab. Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Kenya martogelisay in ka badan 350,000 oo Qaxooto Somali ah, kuwaasi oo uu xusay […]

- Advertisement -

Xiriiriyaha Dowladda Kenya ugu qaabilsan Ammaanka Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Cali Salaax ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu kulan la qaatay Wafdi ka socda Hay’adda UNHCR iyo Midowga Afrika oo booqasho hawleed ku tegay Xeradda Dhadhaab.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Kenya martogelisay in ka badan 350,000 oo Qaxooto Somali ah, kuwaasi oo uu xusay inay muddo 25 sanno ku sugan yihiin gudaha Kenya.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku dhuftay in la joogo xilligii Qaxootigaasi lagu celin lahaa dalkooda hooyo, wuxuuna Qaxootiga ku eedeeyey inay qeyb ka yihiin Nabadgelyo-xumida ka jirta Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.

Xiriiriyaha  Dowladda Kenya ugu qaabilsan Ammaanka Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Cali Salaax waxa kale oo uu tilmaamay in Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab noqotay meel ay Alshabaab ku tarmaan, Lacagaha lagu dhaqo, lagu iibiyo Daroogadda, lagana tahriibiyo Dadka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Alshabaab xeradda Dhadhaab ku siyaariyeen qorshayaashi iay ku weerareen Westage Nairobi iyo Jamaacadda Garissa, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxa Wafdiga UNHCR, Ahmeda Baba waxa uu sheegay in Qaxootiga si sharaf ah loogu celinayo dalkooda, wuxuuna hoosta ka xariiqay in daruufo jira awgeed aan haatan lagu celin karin Somalia,

Waxa uu intaasi ku daray in 99% Qaxootiga yihiin dad nugul oo aan lagu celin karin dalkooda hooyo iyo inay gudaha Somalia ka jirto baahi dhinaca Adeegyadda Asaasiga sida Biyaha, Dugsiyadda, Caafimaadka iyo Ammaanka.

DHADHAAB2

©Radio Dalsan

Latest stories