HomeWararKenya oo sheegtay in ay Alshabaab la liicayaan Dhaqaale-xumo tabar-dareeyey Hawlgaladooda.

Kenya oo sheegtay in ay Alshabaab la liicayaan Dhaqaale-xumo tabar-dareeyey Hawlgaladooda.

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay heleen Hordhaca Qoraal qarsoodi ah oo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya ku sheegeen inay Alshabaab haysato Dhaqaale la’aan saamayn ku yeeshay Hawlgalladda ay fuliyaan, waa sida lagu xusay Dukumentigaasi. Wargeyska The Star waxa u uqoray inuu Dukumentigu muujinayo in Kooxda Jabha ee ka tirsan  […]

- Advertisement -

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay heleen Hordhaca Qoraal qarsoodi ah oo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya ku sheegeen inay Alshabaab haysato Dhaqaale la’aan saamayn ku yeeshay Hawlgalladda ay fuliyaan, waa sida lagu xusay Dukumentigaasi.

Wargeyska The Star waxa u uqoray inuu Dukumentigu muujinayo in Kooxda Jabha ee ka tirsan  Dagaalamayaasha Alshabaab la siinin wax mushaar ah muddo dhowr bilood, waa sida uu qoray The Star.

- Advertisement -

Qoraalka ay Hay’addaha Ammaanka Kenya diyaariyeen waxaa kaloo lagu muujiyey inay Hoggaamiyayaasha Sarsare ee Alshabaab kharaj ku bixiyaan gaaadiidka, guryaha iyo ammaanka, iyadoo Dagaalamayaasha caadiga mushaar la’aan yihiin.

Saraakiisha Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay kaloo qoreen inay Alshabaab dhabarjab weyn ku noqotay duqeyntii Maraykanka ee la sheegay in lagu dilay 150 Dagaalyahanno Alshabaab.

Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay Maraykanka ka badbadiyeen khasaaraha ka dhashay duqeyntii lagu qaaday Xeradda Raaso ee ay Alsshabaab ku leeyihiin duleedka Buulo-burte.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray inay Hay’addaha Ammaanka Alshabaab rumeysan yihiin in  Hubkii ay Alshabaab horey u qaateen Saldhigyadda AMISOM iyo Ciiddanka Kenya in dhamaantooda duqeyn lagu burburiyey.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta ay Hay’addaha Ammaanka Kenya isku soo duween ayaa u muuqda kuwo aan lahayn Raad-raac rasmi ah iyo inay Hay’addaha Ammaanka Kenya ku qarinayaan Fashilka ay kala kulmeen Hawlgalladda Alshabaab, oo ugu dambeeyey Hawlgalkii Ceel-cadde oo lagu dilay in ka badan 100 Askari oo Kenyan ah.

Xigasho: The Star, Kenya

©Radio Dalsan

Latest stories