HomeWararQaxooti Soomaali ah oo lagu dilay Xero ku taalla Bartamaha Sweden.

Qaxooti Soomaali ah oo lagu dilay Xero ku taalla Bartamaha Sweden.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Jimcihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Wiilkaasi oo 19-jir ahaa lagu tooreeyey Xarunta Magangelyo-doonka ee Qaxootiga oo ku taalla Degaanka StorÃ¥ oo 200 KM dhanka Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Stocholm. Wargeyska Thelocal.se ayaa qoray in Wiilkaasi tooreey looga dhuftay Luqunta, taasi oo keentay inuu ugu dambeyntii ugu geeriyoodo Isbitaalka. Saddex nin […]

- Advertisement -

Jimcihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in Wiilkaasi oo 19-jir ahaa lagu tooreeyey Xarunta Magangelyo-doonka ee Qaxootiga oo ku taalla Degaanka Storå oo 200 KM dhanka Galbeed kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Stocholm.

Wargeyska Thelocal.se ayaa qoray in Wiilkaasi tooreey looga dhuftay Luqunta, taasi oo keentay inuu ugu dambeyntii ugu geeriyoodo Isbitaalka.

- Advertisement -

Saddex nin oo da’doodu u dhexeyso 25 ilaa 30 jir ayaa la qabtay, kuwaasi oo lagu tuhunsanyahay dilkaasi.

Labo ka mid ah Eedeysanayaasha waxaa la qabtay markii ay Boliska soo gaareen Xaruntaasi

Eedeysanaha 3-aad ayaa la sheegay inuu u cararay duurka, balse wax yar kadib waa la qabtay, kadib, markii uu isku soo dhiibay Boliska ku sugan magaalladda Lindesberg oo laga maamulo Xarunta Qaxootiga Storå.

- Advertisement -

Afhayeenka Boliska Sweden, Stefen Wickberg ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka TT inay baaritaanka wadaan, wuxuuna tilmaamay inay Xarumaha Qaxootiga mushkilad ku noqdeen Boliska, oo ay mar kasta ka dhacaan dagaalo iyo jahwareer.

Wasiirka Socdaalka ee Sweden, Morgan Johansson waxa uu dilkaasi ku tilmaamay Fal naxdin leh, wuxuuna sheegay inuu si dhow ula socon horumarka laga gaarO Baaritaankaasi.

Si kastaba ha ahaatee, waa Weerarkii 3-aad ee sababa dhimasho ee sannadkan ka dhacay Xarumaha Sweden ee lagu hayo Qaxootiga Magangelyo-doonka ah.

©Radio Dalsan

Latest stories