HomeWararDooni Hoobiyayaal iyo Qoryo Fudud u soo waday Somalia oo la qabtay.

Dooni Hoobiyayaal iyo Qoryo Fudud u soo waday Somalia oo la qabtay.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Australia awaxay gacanta ku dhigeen Dooni Kalluumeysi oo waday in ku dhow 2-kun oo qoryaha AK 47. Koox ka tirsan Ciiddanka la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia ee lagu magacaabo HMAS Darwin waxay Doonidaasi ku qabteen meel 300-KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan. Taliyaha Hawlgalladda Isku-dhafka ee Australia, Admiral […]

- Advertisement -

Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Australia awaxay gacanta ku dhigeen Dooni Kalluumeysi oo waday in ku dhow 2-kun oo qoryaha AK 47.

Koox ka tirsan Ciiddanka la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia ee lagu magacaabo HMAS Darwin waxay Doonidaasi ku qabteen meel 300-KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan.

- Advertisement -

Taliyaha Hawlgalladda Isku-dhafka ee Australia, Admiral David Johnston ayaa sheegay in lagu guuleystay in la qabto doonidaasi, iyadoo baaritaan kadib laga helay 1989 qoryaha AK 47,  100 Gantaalladda laga tuuro Baasuukaha, 49 qoryaha Boobaha iyo Hoobiyayaal.

Waxa uu tilmaamay in Hubkaasi lagu dhex qariyey Shabaagta Kalluumeysiga.

Qabashadda Hubkaasi ayaa waxa uu qeyb ka yahay Hawlgaladda lagu fulinayo Cunaqabataynta Hubka ee ay QM ku soo rogtay Somalia, waxayna Maraakiibta Dagaalka ee Australia qeyb ka yihiin Maraakiibta Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Argagixisadda iyo Ka-hortagga Hubka iyo Daroogadda ee lagu soo qariyo Doonyaha isticmaala Badda Somalia.

- Advertisement -

DOONI HUB WADAY OO LA QABTAY 01

Xigasho: watoday.com.au

©Radio Dalsan

Latest stories