HomeWararXasan Xanafi Xaaji oo lagu xukumay Dil Toogasho.

Xasan Xanafi Xaaji oo lagu xukumay Dil Toogasho.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddanka Qalabka Sida ee Somalia ayaa waxay maanta Xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi Xaaji C/salaam, kaasi oo maanta la soo taagay Maxkamadaasi. Xeer-ilaalinta Maxkamaddaasi, waxay Eedeysanaha ku soo rogeen inuu ku lug lahaa dilka Weriyayaal lagu dilay magaalladda Muqdisho, waxayna Xeer-ilaalinta soo bandhigeen Qiraallo Codad laga duubay Xasan Xanafi oo […]

- Advertisement -

Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddanka Qalabka Sida ee Somalia ayaa waxay maanta Xukun dil ah ku riday Xasan Xanafi Xaaji C/salaam, kaasi oo maanta la soo taagay Maxkamadaasi.

Xeer-ilaalinta Maxkamaddaasi, waxay Eedeysanaha ku soo rogeen inuu ku lug lahaa dilka Weriyayaal lagu dilay magaalladda Muqdisho, waxayna Xeer-ilaalinta soo bandhigeen Qiraallo Codad laga duubay Xasan Xanafi oo u hanjabayo Weriyayaasha.

- Advertisement -

Waxaa kaloo Maxkamadda kaga markhaati furay Markhaatiyayaal la soo istaajiyey daaha gadaashiisa ee Madasha Maxkamaddaasi, kuwaasi oo caddaymo badan bixiyey oo ku aadan eedda loo haystay Eedeysanaha.

Xasan Xanafi Xaaji C/salaam waxaa si gaar ah loogu soo oogay dilkii Suxufiyiinta kala ah: Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaarke, Saciid Tahliil Axmed, Mukhtaar Maxamed Hiraabe iyo Sheekh Nuur Abkey, kuwaasi oo lagu dilay Muqdisho.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciiddanka Qalabka Sida ee Somalia, Kolonel Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa ku dhawaaqay Xukunka  lagu riday Xasan Xanafi Xaaji C/salaam ee ah Dilka Toogashadda.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu sheegay in ciddii aan ku qanacsanayn Xukunkaasi inay Rafcaan ka qaadan karaan.

Xasan Xanafi Xaaji oo ahaa U-qeybsanaha Alshabaab ee Dilalka Suxufiyiinta oo lagu wareystay Telefishinka Dowladda Federalka ee SNTV ayaa waxa uu qirtay inuu ku lug lahaa dilalka Weriyayaasha,wuxuuna codsaday in la cafiyo hadday suurtogal tahay.

xanafi 001

©Radio Dalsan

Latest stories