HomeWararFaahfaahin: Qoyskii Soomaalida ee ku geeriyooday magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Faahfaahin: Qoyskii Soomaalida ee ku geeriyooday magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Iyadoo ay Idaacadda Radio Dalsan iyo Shabakadda Wararka ee la mataanaysan ee www.radiodalsan.com noqdeen  Warbaahintii ugu horreysay ee ku hadasha Afka Soomaaliga ee laga baahiyey Dhacdada la xiriirtay Qoyska Soomaalida ee ku geeriyootay Degmadda Aljameeco ee ka tirsan magaalladda Jeddah ayaa waxaa arrintaasi faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Diplomaasi ka tirsan Qusulliyadda Soomaaliya ee magaalladda Jeddah.

Madaxa Qunsulliyaddaasi ugu qaabilsan Xiriirka Dadweynaha, Nuur Ugaas Maxamed “Gaataa ayaa galabta Wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da waxa uu ku xaqiijiyey geerida Qoyskaasi ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo 3 carruur ah oo kan ugu weyn 6 jir ahaa.

Diplomaasigaasi waxa uu tilmaamay inay qoyskaasi ku caburmeen Qiiq  ka dhashay qarax uu sameeyey Qaboojiyaha “Mukayfka ama Air Conditioner” ku rakibnaa mid ka mid ah qolalka ay Qoyskaasi deganaayeen.

Mar wax laga weydiiyey magacyadda Waalidka qoyskaasi geeriyooday waxa uu sheegay in Lammaanahaasi la kala oran jirey Faarax Abuukar Cali iyo Ayaan Cumar C/llaahi.

Allaha U Naxariisto, Qoyskaasi ayaa la filayaa in la wada aaso, marka ay Hay’addaha Baaritaanka iyo kuwa Ammaanka ee Sacuudiga soo dhamaystiraan baaritaankooda, lagana helo Oggolaanshaha Aaska Marxuumintaasi.

©Radio Dalsan        

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories