HomeWararRaila Odinga oo ugu baaqay Dowladda Kenya inay shaaciyaan Tiradda Askartii ay...

Raila Odinga oo ugu baaqay Dowladda Kenya inay shaaciyaan Tiradda Askartii ay Alshabaab ku dileen weerarkii Ceel-cadde.

Date:

Related stories

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga ayaa sheegay in la joogo xilligii dadka Kenyanka loo sheegi lahaa Xaqiiqadda wixii ka dhacay Weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku dileen Askar Kenyan ah oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ee Somalia. Hoggaamiyahaasi Mucaaradka oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday Kenya waxa uu hadalkaasi ka jeediyey […]

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD, Raila Odinga ayaa sheegay in la joogo xilligii dadka Kenyanka loo sheegi lahaa Xaqiiqadda wixii ka dhacay Weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii hore ku dileen Askar Kenyan ah oo ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ee Somalia.

Hoggaamiyahaasi Mucaaradka oo mar Ra’isul-wasaare ka soo noqday Kenya waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Tuulladda Osupuko ee Galbeedka Trans Mara, halkaasi oo lagu aasayey mid ka mid ah Askarta Kenya ee lagu dilay weerarkii Ceel-cadde.

- Advertisement -

“Waa in naloo sheegaa tirade iyo magacyadda Ciiddanka Wiilasheenna ee lagu dilay Somalia iyo kuwa ku dhaawacmay, waana inay Dowladda sheegtay qorshaha qoysaska Askarta la dilay, si ay u helaan Rootigii ay quudan lahaayeen” ayuu yiri Raila Odinga.

Waxa uu intaasi ku  daray in Askartaasi geeriyoodeen iyagoo difaacaya Danaha Dalkooda, isla markaana ay mudan yihiin Sharaf iyo in la Xusuusto, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Isbahaysiga CORD waxa uu Dowladda Kenya ka codsaday inay caddeeyaan Istaraatijiyadda  iyo Waqtiga ay qaadan karto in Askarta Kenya laga soo daad-gureeyo gudaha dalka Somalia.

- Advertisement -

“Labo, Shan, 10, 20 ama xitaa 100-sanno qaadan doonto inay Ciiddankaasi si ijoogaan Somalia, waxaa loo baahan yhaya inay Dadka Kenyanka isku diyaariyaan, isla markaana u ogaadaan sqaabka ay xaalladda gacanta ugu dhigi karaan” ayuu yiri Raila Odinga oo isagu horey uga  tirsanaa Dowladda Kenya markii ay Ciiddankooda u soo direen gudaha Somalia, bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab waxay horey u sheegeen inay Weerarkii Ceel-cadde ku dileen 100-Askari , isla markaana qafaasheen tiro kale oo aysan shaacinin, wuxuuna Weerarkaasi ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara Askarta Kenyanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

maydka askarta kenya cord

©Radio Dalsan      

Latest stories