HomeWararBritain iyo Kenya oo iska kaashanayo Amamanka iyo Hawlgalka AMISOM.

Britain iyo Kenya oo iska kaashanayo Amamanka iyo Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xoghayaha Ciiddamada Hubeysan ee dalka Britain, Penny Mordaunt oo booqasho ku jooga dalka Kenya waxay la kulantay Haweeneyda  Wasiirka Gaashaandhiga ka ah  Kenya, Raychelle Omamo oo ay ka wada hadleen Xiriirka Labada, Ammaanka Gobalka, Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Doorka Haweenka ku dhex leeyihiin Ciiddanka Kenya. Xoghayaha Ciiddamadda Hubeysan ee Britain, waxay sheegtay inay ku […]

- Advertisement -

Xoghayaha Ciiddamada Hubeysan ee dalka Britain, Penny Mordaunt oo booqasho ku jooga dalka Kenya waxay la kulantay Haweeneyda  Wasiirka Gaashaandhiga ka ah  Kenya, Raychelle Omamo oo ay ka wada hadleen Xiriirka Labada, Ammaanka Gobalka, Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM iyo Doorka Haweenka ku dhex leeyihiin Ciiddanka Kenya.

Xoghayaha Ciiddamadda Hubeysan ee Britain, waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay inuu soo booqato Kenya, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciiddamo u dhashay dalka Britain oo Tababar ku qaata gudaha dalka Kenya.

- Advertisement -

Penny Mordaunt Waxay kaloo sheegtay in Labada Dowladooda wadaagaan Xiriirkooda muddada dheer soo taxnaa, lagana shaqeynayo sidii loo ballaarin lahaa Wadaagista Danaha Labada Waddan.

Waxayna hoosta ka xariiqday inay muhiim tahay inay Kenya qeyb ka yihiin AMISOM iyo Dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Safarka ay haatan ku joogto Kenya ayaa waxa uu astaan u yahay Heshiiska Iskaashiga Milliteri ee ay  Britain iyo Kenya kala saxiixdeen dabayaaqadii sannadkii hore, kaasi oo xaqiijinayey inay Ciiddanka Britain sii wadi karaan Tababarka iyo joogitaankooda gudaha dalka Kenya.

- Advertisement -

©Radio Dalsan 

Latest stories