HomeWararBoqolaal Soomaalida ka soo carartay Yemen oo dib loo dejiyey Ethiopia.

Boqolaal Soomaalida ka soo carartay Yemen oo dib loo dejiyey Ethiopia.

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee The International Organization for Migration (IOM) ayaa sheegtay inay 621 Qaxootio  Somali magangelyo-doon ah oo ka yimid Sheder dib loo dejiyey Xeradda Qaxootiga ee Dollo Ado ee dalka Ethiopia. Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda IOM ayaa lagu sheegay inay Dib-u-dejintaasi socotay muddo  2 bilood ah. Qaxootigaasi oo la sheegay […]

- Advertisement -

Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee The International Organization for Migration (IOM) ayaa sheegtay inay 621 Qaxootio  Somali magangelyo-doon ah oo ka yimid Sheder dib loo dejiyey Xeradda Qaxootiga ee Dollo Ado ee dalka Ethiopia.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda IOM ayaa lagu sheegay inay Dib-u-dejintaasi socotay muddo  2 bilood ah.

- Advertisement -

Qaxootigaasi oo la sheegay inay ka soo qaxeen dagaalladda ka socda dalka Yemen ayaa soo maray Gobalka W/galbeed ee Maamulka Somaliland, ka hor intaysan Ethiopia ka soo gelin Barta Kontoroolka ee Degaanka Tog-wajaale oo ku taalla xuduudka kala qeybiya Ethiopia iyo Somalia.

Xafiisyo-hoosaadka Hay’adda IOM ku leeyihiin magaalladda Jigjiga iyo Dolo Ado ee Ismaamul-gobaleedka Soomaalida ku nool Ethiopia oo kaashanaya Hay’adaha UNHCR iyo ARRA ayaa waxay Qaxootigaasi Soomaalida u soo gudbiyeen Xerooyinka Qaxootiga ee Deegaanka Dolo Ado, halkaasi oo ay iska diiwaan gelin karaan, kana macaashi doonaa Taageeradda la siinayo.

Dib-u-dejintan oo bilaabantay bishii December ee sannadkii 2015-kii, ayaa waxaa qeybtii ugu dambeysay ee Qaxootigaas oo tiradoodu dhan tahay 92 qof dib loo dejiyey maalintii Jimcihii ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories