HomeWararQaxooti Somali oo cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Xeryaha Kenya.

Qaxooti Somali oo cuddurka Daacuunka ugu geeriyootay Xeryaha Kenya.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Tan iyo bishii hore ee Janaayo, waxa uu Cuddurka Daacuun Caloolaha (Cholera) ka dilaacay Xeryaha Qaxootiga ee ay ku jiraan dadka Soomaalida oo ku yaalla W/bari ee dalka Kenya. Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa lagu sheegay in ka badan 1,535 Qaxooti Somali uu ku dhacay Daacuun-caloolaha, […]

- Advertisement -

Tan iyo bishii hore ee Janaayo, waxa uu Cuddurka Daacuun Caloolaha (Cholera) ka dilaacay Xeryaha Qaxootiga ee ay ku jiraan dadka Soomaalida oo ku yaalla W/bari ee dalka Kenya.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa lagu sheegay in ka badan 1,535 Qaxooti Somali uu ku dhacay Daacuun-caloolaha, iyadoo ay 12 Qaxooti u geeriyoodeen shuban-biyoodka Koleeraha.

- Advertisement -

Hay’addu waxay sheegtaiy inay Shaqaalaha Samafalka kala shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa Faafida Daacuun-calooleedka, isla markaana la sameeyey  4 Xarumood oo ay yaallaan in ka badan 200 oo sariiro, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daaweeyo dadka uu ku dhaco Cuddurkaasi ee ku sugan Shanta Xero Qaxooti ee ay ka kooban tahay Dhadhaab.

Warbixinta UNHCR waxaa lagu sheegay inay dadka Qaxootiga u dhiseen Musqulo dheeraad ah, isla markaana ay u qeybiyeen Saabuun iyo waxyaabaha kale ee lagu dhowri karo Faya-dhowrka qofka iyo Deegaanka.

Xeradda Dhadhaab waxa horey uga da’ay Roobabka culus ee El Nino bilihii November iyo December ee sannadkii hore ee 2015-kii.

- Advertisement -

isbitaalka dhadhaab

©Radio Dalsan 

Latest stories