HomeWararKumanaan Qaxooti Somali ku noolaa Xeryaha Kenya oo dib ugu soo laabtay...

Kumanaan Qaxooti Somali ku noolaa Xeryaha Kenya oo dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay dib u bilaabeen inay Qaxootiga Soomaalida ku soo celiyaan dalkooda hooyo, iyagoo la soo marsiinayo dhinaca dhulka ee xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Warbixinta Toddobaadlaha ee ay  Hay’adda UNHCR ka soo saartay magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay in kolonyo gaadiid ah oo ay la socdaan 218 Qaxooti Somalia ay gaareen magaallooyinka Baydhabo iyo Luuq ee K/galbeed ee Somalia.

Waana safar dhuleedkii ugu horreeyey ee ay Qaxootiga ku soo baxaan, kadib, markii la hakiyey dib-u-celinta bishii October ee sannadkii hore sababo la xiriiray Roobab da’ayey Xilligaasi.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Hay’addu 8 Kolonyo gaadiid ah u adeegsatay sidii  1,902 qof oo Qaxooti Somali ah loogu celin lahaa Somalia, iyadoo la sii marsiiyey Degmadda Dhoobley.

Dhinaca kale, Qaxootiga soo laabanayo ayaa la sheegay in laga taageeray Kharajka gaadiidka ee ay ku tegi karaan halka ay asal ahaan ka soo qaxeen, kuwaasi oo badankooda ka soo kala jeeda magallooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq.

Waxaa kaloo Qaxootigaasi la siiyey Lacag Fara-qabsi ah, maro-kaneeco, Adeegyadda Guriga, Nalalka Solarka,  Shooladaha  lagu karsado cuntada, si ay ugu adeegsadaan Noloshooda cusub ee gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories