HomeWararKormeerayaal ka socday Ururka Midowga Afrika oo u kuurgalay Xaalladda Difaaca ee...

Kormeerayaal ka socday Ururka Midowga Afrika oo u kuurgalay Xaalladda Difaaca ee magaalladda Marka.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Taliyaha Guutadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuna sugan magaalladda Marka, Kolonel Peter Omila ayaa difaacay sababihii ay ciiddankiisa dhowr jeer u faaruqiyeen magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka. Isagoo la hadlayey Kormeerayaal ka socday Waaxda Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Taageeridda Hawlgalladda Nabadda oo booqasho Indha-indheyn ah ku tagay Marka ayaa ku […]

- Advertisement -

Taliyaha Guutadda Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuna sugan magaalladda Marka, Kolonel Peter Omila ayaa difaacay sababihii ay ciiddankiisa dhowr jeer u faaruqiyeen magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka.

Isagoo la hadlayey Kormeerayaal ka socday Waaxda Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Taageeridda Hawlgalladda Nabadda oo booqasho Indha-indheyn ah ku tagay Marka ayaa ku dooday inay sababo Xeelad Dagaal ama Taatiko horey ugu baxeen goobihii ay kaga sugnaayeen Marka.

- Advertisement -

Wafdiga Kormeerayaasha waxaa hoggaaminayo Jeneral Francis Okello oo ka socda Xarunta Dhexe ee AU-da,  waxayna dhegeysteen Baahida jirta iyo qaabka loo sugi karo Ammaanka Deegaannadda ay AMISOM gacanta ku hyaaan.

Wafdiga waxay kaloo sheegeen inay sahmin doonaan sidii loo taageeri lahaa Hay’addaha Ammaanka Somalia ee ka garab dagaalama Ciiddanka AMISOM iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Waajibaadkooda ku aadan Sugidda Ammaanka dalka iyo ka hortagga cabsida Alshabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee jooga Somalia.
dhinaca kale, Afhayeenka AMISOM, Kolonel Paul Njuguna ayaa sheegay inay soo booqdeen Ciiddanka AMISOM ee joogta magaalladda Marka, wuxuuna xusay inay xaalladdu haatan caadi ku soo laabatay, isla markaana ay dadka Deegaanka iskaashi la leeyihiin Hawlgalka AMISOM, waa sida uu hadalka u yiri.

Gacan-ku-haynta magaalladda Marka waxay dhowr jeer ka baxday Ciiddanka AMISOM, iyadoo ay Alshabaab dhowr mar qabsadeen magaalladaasi Istaraatijiyadda leh.

- Advertisement -

©Radio Dalsan       

Latest stories