HomeWararIsku-shaandheyn lagu sameeyey Xukuumadda Somaliland

Isku-shaandheyn lagu sameeyey Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” waxa uu xalay Isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, iyadoo dhowr Wasiir loo dhiibay Xilal Cusub. Xilal Isku-shaandheyn: Wasiirkii Duulista Hawada, Cismaan C/llaahi Saxardiid waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta. Wasiirkii Xannaanadda Xoolaha, Sheekh Maxamed Faarax waxaa loo magacaabay Wasiirka Duulista Hawada. Wasiirkii Warfaafinta, C/llaahi Cukuse waxaa loo magacaabay Wasiirka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud “Silaanyo” waxa uu xalay Isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, iyadoo dhowr Wasiir loo dhiibay Xilal Cusub.

Xilal Isku-shaandheyn:

- Advertisement -
  1. Wasiirkii Duulista Hawada, Cismaan C/llaahi Saxardiid waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta.
  2. Wasiirkii Xannaanadda Xoolaha, Sheekh Maxamed Faarax waxaa loo magacaabay Wasiirka Duulista Hawada.
  3. Wasiirkii Warfaafinta, C/llaahi Cukuse waxaa loo magacaabay Wasiirka Xannaanadda Xoolaha.
  4. Wasiirkii Ganacsiga, Muuse Qaasim Cumar weli Xil looma magacaabin.
  5. Afhayeenkii Madaxtooyada, Xuseen Aadan Cige waxaa laga dhigay Wasiirka Ganacsiga.
  6. Wasiir-xigeenkii Duulista, Saciid Cabdi Maxamuud waxaa loo magacaabay Wasiir-xigeenka Ganacsiga.
  7. Wasiir-xigeenkii Ganacsiga, Kaysar C/llaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Wasiir-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta.
  8. Wasiir-xigeenkii Qorsheynta, Cabdi Yuusuf Wadaad, waxaa laga dhigay Wasiir-kux-igeenka Kalluumeysiga.
  9. Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland waxaa loo magacaabay C/raxmaan Aw-cilmi Faahiye (Shamax).
  10. Maareeyaha Madbacadda waxaa loo magacaabay Saciid Saalax Sheekh.
  11. Guddoomiyihii Gobalka Gabiley, Mustaf Cabdi Ciise “Shiino: waxaa loo magacaabay GuddoomiyahaGobalka Sool.

Xil-ka-qaadis:

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu Xil-ka-qaadis ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Xiriirka Golayaasha, Mowliid Maxamuud Ibraahim iyo Maareeyihii Madbacadda Somaliland, C/llaahi Maxamed Carey.

Xil-sugayaal:

- Advertisement -

Wasiirkii Ganacsiga, Muuse Qaasim Cumar xilka waa laga qaaday, weliba Xil looma magacaabin.

Guddoomiyihii Gobalka Sool, Yaasiin   Maxamed Shide waxa laga qaaday Xilkii, welina Xil kale looma dhiibin.

Si kastaba ha ahaatee, Isku-shaandheynta lagu sameeyey Golihii Wasiiradda ee Maamulka Somaliland ayaa ah tii 3aad ee lagu sameeyo.

Madaxweyne Silaanyo waxa uu Isbedelkii ugu dambeeyey ku sameeyey Xukuumadiisa bishii March 13-dii ee sannadkii hore ee 2015-ka.

©Radio Dalsan   

Latest stories