HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in inta badan Dhallinyarada ugu biiraan Alshabaab...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in inta badan Dhallinyarada ugu biiraan Alshabaab sababo Dhaqaale.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad ka jeediyey Shirweynaha Caalamka ee Ammaanka Caalamka ee ka socda magaalladda Muich ee dalka Jarmalka ayaa soo hadal qaaday Dagaalka ay Ciiddanka Dowladda Federalka kula jiraan Alshabaab, wuxuuna sheegay inay guulo ka gaaray dagaalladaasi. “Si looga guuleysto Alshabaab waxaa muhiim ah in muhiimad wanaagsan la siiyo Dhallinyarada dalka” […]

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad ka jeediyey Shirweynaha Caalamka ee Ammaanka Caalamka ee ka socda magaalladda Muich ee dalka Jarmalka ayaa soo hadal qaaday Dagaalka ay Ciiddanka Dowladda Federalka kula jiraan Alshabaab, wuxuuna sheegay inay guulo ka gaaray dagaalladaasi.

“Si looga guuleysto Alshabaab waxaa muhiim ah in muhiimad wanaagsan la siiyo Dhallinyarada dalka” ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in 70% tiradda guud ee Dadka Soomaaliyeed inay da’dooda ka hooseyso 35 jir, isla markaana ku soo koreen Fowdo iyo Sharci la’aanta, kadib, markii ay Dowladdii Dhexe burburtay sannadkii 1991-kii.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Dhallinyaro badan ku biireen Alshabaab, kuwaasi oo uu tilmaamay inaysan  ugu biirin Alshabaab sababo la xiriira inay aaminsan yihiin Aragtidooda, balse ay ugu biireen sababo Dhaqaale si ay ugu quudiyaan Qoysaskooda.

©Radio Dalsan

Latest stories