HomeWarar(LA-YAABKA & SAWIRO): Mataanayaasha ugu da’da weyn Caalamka oo 104 sanno jirsaday.

(LA-YAABKA & SAWIRO): Mataanayaasha ugu da’da weyn Caalamka oo 104 sanno jirsaday.

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Somone Thiot iyo Paulette Olivier waa haween Mataano ah oo u dhashay dalka Faransiiska, kuwaasi oo haatan da’doodu tahay 104-jir. Bishii January ee sannadkii 1912-kii ayey dhasheen labo sanno ka hor inta uusan bilaabaninin Dagaalkii Koowaad ee Caalamka. Paulette iyo Simone waxay ku dhasheen bartamaha Tuulladda Limeray abaarihii 11:00 barqanimo ee bishii January 30-dii ee […]

- Advertisement -

Somone Thiot iyo Paulette Olivier waa haween Mataano ah oo u dhashay dalka Faransiiska, kuwaasi oo haatan da’doodu tahay 104-jir.

Bishii January ee sannadkii 1912-kii ayey dhasheen labo sanno ka hor inta uusan bilaabaninin Dagaalkii Koowaad ee Caalamka.

- Advertisement -

Paulette iyo Simone waxay ku dhasheen bartamaha Tuulladda Limeray abaarihii 11:00 barqanimo ee bishii January 30-dii ee sannadkii 1912-kii.

Hooyadooda oo la oran jirey Marie Lamolie waxay ahayd qof dharka samaysa, halka Aabahooda Joseph ahaa Faryaamo ama Nijaarle (A carpenter)

Markii ay Mataanayaasha dhasheen, waxay Dhakhaatiirta sheegeen inay fursad kooban u leeyihiin Mataanayaasha si ay u  badbaadaan oo ay sii noolaadaan.

- Advertisement -

Balse 104 sanno kadib, weli waa nool yihiin oo si xoog leh u socon karaan.

Mataanayaasha waxay dhawaan u dabaal degeen 104-sanno guuradda dhalashadooda, waxaana u soo hambalyeeyey Maamulka Degmadda iyo Dadka Deegaanka, kuwaasi oo Mataanayaasha ku soo booqday Guriga Dadka Hawlgabka oo ku yaalla Degmadda Onzain ee Bartamaha Faransiiska.

Mataanayaasha waxay sheegeen inay weli nool yahay, isla markaana ay had iyo jeer si dhow iskula joogaan.

Labada Mataane oo aan awlaad dhalin, waxay sheegeen inay yihiin dad da’ ah oo keli u nool, isla markaana aysan jirin dad soo booqda.

Waxay sheegeen inay Laba qol kala seexdaan, oo ay  dhowrtaan Xorriyadooda, waxa keliya oo aan u baahanahay inaan ka gudubno jidka, si aan isku aragno oo uu midba kan kale ula hadlo.

Paulette iyo Simone waxay inta badan waqtigooda ku bixiyaan inay ka hadlaan Xaalladaha haatan jira, Wax Akhris, Daawashadda Telefishinka iyo dhegeysiga Muusikada.

Ma cabaan Khamriga, waxayna sheegeen markii ay da’da yaraayeeen inay Jimicsan jireen, isla markaana ay wadan jireen Baskiil.

Simone, waxay si caadi ah u qortaa Gabayadda, oo ay ku kaydisaa Buugaagta qoraalka.

Mataanayaasha halka walaal ee la dhashay waxa uu ku geeriyooday shil gaari isagoo 99-jir ah.

MATAANO2 MATAANO 3 MATAANO4 MATAANO5 MATAANO 1

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan 

 

 

.

 

 

 

Latest stories