HomeWararNin Somali oo maqar ku weeraray dad ku sugnaa Baar ku yaalla...

Nin Somali oo maqar ku weeraray dad ku sugnaa Baar ku yaalla Maraykanka oo la dilay.

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Nin Somali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Baare ayaa la sheegay inuu maqar ku weerar Maqaayad ku taalla magaalladda Kolombus ee Gobalka Ohayo, oo uu lahaa Nin ka soo jeeda Carabta Yuhuudda. Telefishinka CBS News ayaa sheegay inuu Ninkaasi maqar la dhacay dad ku sugnaa Barakaasi oo lagu magacaabo “The Nazareth Mediterranean Restaurant”. Goobjoogayaal […]

- Advertisement -

Nin Somali ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Baare ayaa la sheegay inuu maqar ku weerar Maqaayad ku taalla magaalladda Kolombus ee Gobalka Ohayo, oo uu lahaa Nin ka soo jeeda Carabta Yuhuudda.

Telefishinka CBS News ayaa sheegay inuu Ninkaasi maqar la dhacay dad ku sugnaa Barakaasi oo lagu magacaabo “The Nazareth Mediterranean Restaurant”.

- Advertisement -

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka Soomaaliga soo galay Baraka, isagoo raadinayo Milkiilaha Baarkaasi oo lagu magacaabo Hani Baransi, kaasi oo aan xilligaasi joogin Baarka.

Waaxda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ayaa sheegtay inay baarayaan Kiiskaasi lagu dilay Ninka Soomaalida ee dhaawaca u geystay 4 qof oo ka mid ahaa dadkii ku cunteynayey Baarkaasi, iyadoo mid ka mid ah xaalladiisa laga dayriyey.

Boliska ayaa la sheegay inay baacsadeen ninkaasi oo ku baxsaday gaarigiisa, iyadoo ay Boliska toogteen, markii uu isku dayey inuu iyaga maqar ku weeraro.

- Advertisement -

Eedeysanaha Soomaaliga ee la toogtay ayaa la sheegay inuu sannakii 2012-kii u safray magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, sida uu xubin ka tirsan Saraakiisha Xoojinta Sharciga Maraykanka usheegay Telefishinka CBS.

Ilo Hay’adda Sharci-xoojinta Maraykanka ayaa u sheegay Telefishinka ABC News inay Dembi-baarayaasha FBI-da yaqaaneen Maxamed Baare, isla markaana uu ka mid ah dadka lagu tuhunsanaa inuu ka tirsanaa Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ninka Soomaaliga soo galay Baraka, isagoo raadinayo Milkiilaha Baarkaasi oo lagu magacaabo Hani Baransi, kaasi oo aan xilligaasi joogin Baarka.

weerar2 weerar1 weerar the Nazareth

©Radio Dalsan     

Latest stories