HomeWararWasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka oo sheegtay inay gacanta ku hayaan Dhismaha...

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka oo sheegtay inay gacanta ku hayaan Dhismaha Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed.

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo fulineysa Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee dhawaan la melmariyay, waxay gacanta ku heysaa hirgelinta Xeerka Saxaafadda iyo farintaanka qodobada sharciga Saxaafadda ee hortebinta leh sida qodobka 13-aad, 14-aad, 16-aad, 18-aad, 26-aad iyo 35-aad oo tilmaamaya sidii bahda Warbaahinta ee hadda jirtaa isu sharciyeyn lahayd. Howlaha sharcigu na faray ee Wasaaraddu […]

- Advertisement -

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo fulineysa Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee dhawaan la melmariyay, waxay gacanta ku heysaa hirgelinta Xeerka Saxaafadda iyo farintaanka qodobada sharciga Saxaafadda ee hortebinta leh sida qodobka 13-aad, 14-aad, 16-aad, 18-aad, 26-aad iyo 35-aad oo tilmaamaya sidii bahda Warbaahinta ee hadda jirtaa isu sharciyeyn lahayd.

Howlaha sharcigu na faray ee Wasaaraddu hadda gacanta ku hayso waxaa ka mid ah dhismaha Guddiga saxaafadda Soomaaliyeed, diiwaangelinta iyo sharcisiinta dhamaan hay’adaha Warbaahinta iyo saxafiyiinta.

- Advertisement -

Sida uu dhigayo sharciga saxaafadda Soomaaliya wixii ka dambeeya 09 January 2016 oo ah markii uu sharcigu soo baxay, Warbaahin ama Wariye kata oo ka howlgala Jamhuuriyadda Soomaali waxaa ku waajibaya in uu iska diiwaangeliyo Wasaaradda Warfaafinta muddo 45 cisho gudahood ah.

Wasaaraddu waxay ku wargelineysaa bahda Warbaahinta ee ka howlgasha Soomaaliya in laga soo bilaabo dhaqankii sharciga dhaqdhaqaaq cusub oo sharci ku dhisan ay sameyn karto oo kaliya Warbaahin, Urur ama wariye is diiwaangeliyay oo leh awood sharci oo uu wax ku dhisto, cid ku doorto ama lagu doorto. Hadiise ciddii isku daydo in si fowdo ah u dhaqantao, iyadoo aan ka diiwaangashneyn Wasaaradda Warfaafinta waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

Latest stories