HomeWararPuntland oo Beesha Caalamka la wadaagtay walaaca xooggan ee ay ka qabaan...

Puntland oo Beesha Caalamka la wadaagtay walaaca xooggan ee ay ka qabaan Nidaamka Doorashadda

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wafdi Caalami ah oo booqasho 3 maalmood ku joogay Puntland ayaa maanta soo gebagebeeyey Socdaalkooda.

Wafdigaasi Caalamiga waxay ka koobnaayeen Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating, Wakiilo ka kala socday Urur-gobaleedka IGAD, Midowga Europe, Dowladaha Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Uganda, Maraykanka iyo Britain.

Wafdiga inta ay joogeen magaalladda Garowe, waxay Kulamo la yeesheen Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Puntland, Afhayeenka iyo xubnaha Barlamaanka Puntland, Hoggaamiyayaasha Dhaqanka iyo Wakiilladda Ururadda Bulshadda Rayidka.

Ergadda Caalamiga waxay soo dhaweeyeen doorka muhiimka ee Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ka qaateen doorkooda Federalka iyo Midnimadda Somalia.

Wakiilladda Puntland ee la shiray Ergadda Caalamiga waxay muujiyeen Walaacooda ku aadan Go’aankii ay Dowladda Federalka Somalia ka soo saartay Nidaamka Doorashadda ee dhici doonta dabayaaqadda sannadkan.

Ergooyinka Beesha Caalamka waxayty waxay garwaaqsadeen inuusan Nidaamka Doorashadda ee 2016 ahayn mid dhamaystiran, balse waxay sheegeen haddii aysan u dhicin si Caddaalad oo dheelatiran loo gudbi doono Doorashadda Qof iyo Codkiisa ee sannadka 2020-ka.

©Radio Dalsan  

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories