HomeWararGuddi-hawleedka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia oo soo dhaweeyey horumarka Xuquuqda Aadanaha ee...

Guddi-hawleedka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia oo soo dhaweeyey horumarka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Koox-hawleedka Xuquuqda Aadaha Somalia “The Human Rights Working Group (HRWG) on Somalia” oo ka kooban Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe, EU, Norway, Switzerland iyo Maraykanka ayaa soo dhaweeyey Dhaqdhaqaaqa Dowladda Federalka Somalia iyo horumarka laga gaaray Shir Xilliyeedkii 24-aad ee Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee bbishii hore ee January 22-dii lagu qabtay […]

- Advertisement -

Koox-hawleedka Xuquuqda Aadaha Somalia “The Human Rights Working Group (HRWG) on Somalia” oo ka kooban Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe, EU, Norway, Switzerland iyo Maraykanka ayaa soo dhaweeyey Dhaqdhaqaaqa Dowladda Federalka Somalia iyo horumarka laga gaaray Shir Xilliyeedkii 24-aad ee Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee bbishii hore ee January 22-dii lagu qabtay magaalladda Geneva.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Koox-hawleedka Xuquuqda Aadanaha ee HRWG bishan Feberaayo 8-dii la kulmeen Wasiirada Haweeneka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka oo ay ka wada hadleen Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo La-tashiga UPR.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in Wafdiga Soomaalida oggolaadeen 107 Codsi Talooyin ah oo ka mid ah 228 Talo oo loo gudbiyey, isla markaana  Xukuumadda Somalia laga sugayo jawaabaha  121-ka Talooyinka harsan  inay soo gudbiyaan muddada uu socdo  Shirka Caadiga ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee la qaban doono bisha June ee soo socota.

Dhinaca kale, Koox-hawleedka Xuquuqda Aadaha Somalia “The Human Rights Working Group (HRWG) on Somalia” oo ka kooban Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe, EU, Norway, Switzerland iyo Maraykanka waxay aad ugu bogaadiyeen Wada-xaajoodka Furan ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha  iyo Taageeradda ay Wasaaradaasi ka qaadanayso Sare u qaadida badbaadinta Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.

©Radio Dalsan      

Latest stories