HomeWararBoliska Kenya oo sheegay in Dhallinyaradda ku biirayo Alshabaab loo ballan qaado...

Boliska Kenya oo sheegay in Dhallinyaradda ku biirayo Alshabaab loo ballan qaado Kharaj iyo Gaadiid.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Boliska Kenya ayaa sheegay inay jiraan rag ka tirsan Alshabaab oo Dhallinyaradda Kenyanka ku tashkiiliya in la siin doono Kharaj, Gaadiid iyo Xaasas. Boliska ayaa sheegay inay Xogtaasi ka heleen 4 dhallinyarro oo dhawaan la qabtay, kuwaasi oo weli lagu hayo baaritaano. Wargeyska Maalinlaha ee The Daily Nation ayaa qoray inay Boliska xogtaasi ka soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska Kenya ayaa sheegay inay jiraan rag ka tirsan Alshabaab oo Dhallinyaradda Kenyanka ku tashkiiliya in la siin doono Kharaj, Gaadiid iyo Xaasas.

Boliska ayaa sheegay inay Xogtaasi ka heleen 4 dhallinyarro oo dhawaan la qabtay, kuwaasi oo weli lagu hayo baaritaano.

- Advertisement -

Wargeyska Maalinlaha ee The Daily Nation ayaa qoray inay Boliska xogtaasi ka soo xigteen rag lala xiriirinayo Alshabaab, kuwaasi oo la qabtay bishii hore.

Wargeyska waxa uu magacyadda raggaasi ku kala sheegay Idris Sadalla Iidi, Maxamed Axmed Fadhilil, Ciise Nuur c/llaahi iyo C/xaafid Ciise Faraj.

Eedeysanayaasha ayaala hor geeyey Maxkamadda, oo ugu dambeyntii oggolaatay inay Boliska sii hayn karaan Eedeysanayaasha ilaa ay Baaritaankooda ka soo gebegebeynayaan.

- Advertisement -

Boliska waxay tilmaameen inay Eedeysanayaasha laga soo qabtay Deegaanka Madogo oo u dhow Degmadda Garissa, xilli ay qorsheynayeen inay u safraan Mandera,kadibna ay ka gudbaan Xuduudka Somalia, si ay ugu biiraan Xerooyinka Tababarka ee Alshabaab, waa sida ay Boliska Kenya sheegteen.

Dhinacakale, Warbixin ka soo baxday Xukuumadda Kenya ayaa lagu sheegay inay Dhallinyarradda la qabtay ay xiriir la lahaayeen Nin lagu magacaabo Ramadaan Kufungwa oo la sheegay inuu ka tirsan yahay Alshabaab,  kuna sugan yahay gudaha Somalia.

Ramadaan Kufungwa waxaa kaloo lagu eedeynayaa inuu ku lug lahaa dikii Shiikh Maxamed Idiris oo bishii June ee sannadkii 2014-kii lagu dilay magaalladda Mombasa.

©Radio Dalsan      

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts