HomeWararRa’isul-wasaare Sharmaarke oo Kulan la yeeshay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq.

Ra’isul-wasaare Sharmaarke oo Kulan la yeeshay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq.

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxa uu maanta Kulan la qaatay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, Iyaad Calawi oo maanta booqasho aan horey loo sii shaacinin ku yimid magaalladda Muqdisho. Iyaad Calawi iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’isul-wasaare Sharma’arke, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia. […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, waxa uu maanta Kulan la qaatay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, Iyaad Calawi oo maanta booqasho aan horey loo sii shaacinin ku yimid magaalladda Muqdisho.

Iyaad Calawi iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Ra’isul-wasaare Sharma’arke, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia.

- Advertisement -

Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Xaalladda Ammaanka ee dalalka Carabta iyo Hawlgalka La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalka Ciraaq, waxa uu maanta Khudbad ka jeediyey Shirka Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka, ka hor inta uusan la kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Iyaad Calawi waxaa lagu wadaa inuu kulamo kale la qaato Madaxda Dowladda, ka hor inta uusan ka ambabixin Muqdisho.

- Advertisement -

Waana  markii ugu horreysay oo Mas’uul ka tirsanaa Dowladda Ciraaq uu booqasho ku yimaado magaalladda Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladdii Kacaanka sannadkii 1991-kii.

Iyaad Calawi waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenka ka ahaa dalka Ciraaq sannadihii 2014-kii ilaa 2015-kii, wuxuuna mar soo noqday Ra’isul-wasaarihii Xukuumaddii KMG ee dalkaasi, isagoo xilkaasi hayey muddo hal sanno ah (2004-tii ilaa 2005).

©Radio Dalsan        

 

Latest stories