HomeWararMuwaadiniinta Britishka oo looga digay safaradda ay ku tegaan Somalia

Muwaadiniinta Britishka oo looga digay safaradda ay ku tegaan Somalia

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

War Qoraal ah oo lagu daabacay Websaytka Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-soooranka ee dalka Britain (The Foreign and Commonwealth Office (FCO) ayaa waxaa lagula taliyey Dadka Britishka ah inaysan u socdaalin dalka Somalia, oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera. Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay inay jiraan cabsi sare oo laga qabo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War Qoraal ah oo lagu daabacay Websaytka Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-soooranka ee dalka Britain (The Foreign and Commonwealth Office (FCO) ayaa waxaa lagula taliyey Dadka Britishka ah inaysan u socdaalin dalka Somalia, oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaallooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay inay jiraan cabsi sare oo laga qabo in Kooxaha loogu yeero  Argagixisadda, ay afduub ka geysan karaan dalka Somalia oo ay ku jirto Somaliland.

- Advertisement -

Digniinta ayaa lagu sheegay inay Kooxaha Argagixisadda sameeyeen cabsi-gelin liddi ku ah dadka Reer Galbeedka iyo kuwa u shaqeynayo Hay’addaha Reer Galbeedka, isla markaana ay cabsi joogto ka jirta Weeraro ay kooxaha loogu yeero Argagixisadda ka geystaan magaalladda Muqdisho, waa sida lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain.

Waxaa kaloo la tilmaamay in kooxaha loogu yeero Argagixisadda weli wadaan qorshaha weeraradda ka dhanka ah Dadka Reer Galbeedka ee ku sugan qeybaha kale ee Somalia oo ay ku jirto Somaliland, lagana yaabo inay beegsadaan meelaha ay dadka badan isugu yimaadaan.

Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan Xafiiska Arrimaha dibedda (FCO) awoodi karin in uu Taageero Qunusliyad ka bixiyo gudaha dalka Somalia.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts