HomeWararSirdoonka Finland oo sheegay in Kiiska Ninka Soomaaliga ee lagu xiray Britain...

Sirdoonka Finland oo sheegay in Kiiska Ninka Soomaaliga ee lagu xiray Britain uusan saamayn toos ah ku lahayn Finland

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

  Madaxa Amamanka iyo Sirdoonka Boliska Finland, Tuomas Portaankorva ayaa sheegay in Kiiska Ninka Soomaaliga ee haysta dhalashadda Finland ee lagu xiray dalka Britain uusan dhowr sanno rigli ku ahayn Deganaanshahiisa ee gudaha Finland. Waxa uu intaasi ku daray in Ninkaasi oo lagu magacaabo Cubayd Xasan Jaamac uusan wax xiriir toos ah la lahayn Finland, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

Madaxa Amamanka iyo Sirdoonka Boliska Finland, Tuomas Portaankorva ayaa sheegay in Kiiska Ninka Soomaaliga ee haysta dhalashadda Finland ee lagu xiray dalka Britain uusan dhowr sanno rigli ku ahayn Deganaanshahiisa ee gudaha Finland.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Ninkaasi oo lagu magacaabo Cubayd Xasan Jaamac uusan wax xiriir toos ah la lahayn Finland, marka la eego Xaalladda haatan lagu qabtay.

“Waa shaqsi muddo dhowr sanno dibedda ku noolaa, xarigiisa waxa u uka dhacay meel ka baxsan Baddaha” ayuu yiri Mas’uulka ugu sarreeya Boliska Ammaanka iyo Sirdoonka Finland, oo intaasi ku daray inuusan Kiiskiisa wax xiriir ah la lahayn Finland.

 

- Advertisement -

Cubayd Xasan Jaamac oo 19 jir ah waxa uu shalay galab ka soo muuqday Maxkamad ku taalla magaalladda London, isagoo lagu soo eedeeyey inuu ku biiri lahaa Kooxda Daacish, inkastoo uu beeniyey Eedeyntaasi.

Boliska ayaa la sheegay inay Ninkaasi Habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay ka so oqabteen Garoonka Diyaaradaha ee Stansed ee London oo uu ka raaci lahaa Diyaarad ku sii jeeday caasimadda dalka Romania ee Bukharest, isagoo qorsheynayey inuu u sii dhoofo Turkiga, kadibna uu u sii gudbo Syria.

Dhinaca kale, Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen in ay Eedeysanaha gurigiisa ka soo heleen qalab loo adeegsan karo Dagaalka.

Ninkaasi oo Arday ka ah Jaamacad ku taalla London waxa uu dalka Britain u soo guuray sannadkii 2010-kii, isagoo Aabihiisa kula noolaa Deegaanka Thornton Heath ee K/bari magaalladda London.

Eedeysanaha ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga, waxaana la filayaa in mar kale bishan Feberaayo 19-da la soo taago Maxkamadda Old Bailey oo ku taalla magaalladda London.

Sources: Yle

©Radio Dalsan       

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts