HomeWararRa’isul-wasaaraha Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqay in la magacaabayo  Wasiirka Farxadda "Minister of...

Ra’isul-wasaaraha Imaaraadka Carabta oo ku dhawaaqay in la magacaabayo  Wasiirka Farxadda “Minister of Happiness”.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ra’isul-wasaaraha Dowladda  Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Sheikh Mohamed Bin Rashid Almakhtoum, ahna Amiirka Imaaradda Dubai ayaa shaaciyey in qaar ka mid ah Adeegyadda Dowladda laga dhigi doono Hay’addo Gaar loo leeyahay. Ra’isul-wasaaraha waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay  in la magacaabayo Wasiirka Farxadda, kaasi oo u qaabilsan doonaan inuu Muwaadiniinta farxad-geliyo. Ra’isul-wasaraaha waxa uu Qoraalkaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Dowladda  Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Sheikh Mohamed Bin Rashid Almakhtoum, ahna Amiirka Imaaradda Dubai ayaa shaaciyey in qaar ka mid ah Adeegyadda Dowladda laga dhigi doono Hay’addo Gaar loo leeyahay.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay  in la magacaabayo Wasiirka Farxadda, kaasi oo u qaabilsan doonaan inuu Muwaadiniinta farxad-geliyo.

- Advertisement -

Ra’isul-wasaraaha waxa uu Qoraalkaasi soo dhigay Twitterka, iyadoo ay Dowladda Imaaraadka Carabta marti-gelinayso  Shirka Xukuumadaha Caalamka (World Government Summit), kaasi oo furmay shalay oo bisha ahayd February 8, waxaana la soo gebagebeyn doonaa berrito oo Arbaco ah, taariikhduna tahay February 10-da.

Waxa uu tilmaamay in qaar ka mid ah Wasiiradda lagu biirin doono shaqooyin kale, iyadoo Wasiir-dowlaha la doonayo inuu dulqaad yeesho, maadaama dalka Imaaraadka Carabta hoy u yahay Diimo badan iyo Dadyow laga tiro badan yahay.

“Waa bilowga Socdaalka cusub ee Xaqiijinta Guusha iyo in Dadka wax la siiyo, waxaana Allaah ka codsanaynaa inuu nagu caawiyo sidii aan ugu adeegi lahayn, una daryeeli lahayn iyaga” ayaa lagu yiri Hal Farriin.

- Advertisement -

Silsiladaha Tweets-ka laguma sheegin jadwalka shaqo iyo Xilliga Qorshahaasi dhaqan-gal noqonayo.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Ra’isul-wasaaraha Imaaraadka Carabta u adeegsado Twitterka arrin Shaacin weyn xambaarsan.

Toddobaadkii hore, waxa uu Twitterka soo dhigay Farriimo uu ku sheegayo inuu doonayo qof dhallinyaro ah oo da’diisa ka hooseyso 25-sanno jir si uu u noqdo Wasiirka Xukuumadda Imaaraadka ugu qaabilsan Arrimaha khuseeya Dhallinyarada.

Waddanka Imaaraadka Carabta waa Isku-tagga 7 Dowlad-gobaaleed oo lagu xukumo Imaaraadyo.

Xaakimka Abu Dhabi, Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, waxa uu u shaqeeya sida Madaxweynaha dalka Imaaaradka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul-wasaaraha Imaaraadka Carabta, oo 66 jir waxaa uu diirada saaray Hodantinimadda Shidaalka iyo Faraxsanaanta ka jirto Imaaradiisa ee ku caanka ku ah Dabaqyadda dhaadheer ee gaarayo heegada sare ee Daruuraha iyo Dabeecadaha Liberalka ah.

Tweets-ka Sheekh Maxamed uu xalay soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku sheegay inuu Isbedelka Xukuumadda Federalka Imaaraadka Carabta yimid, kadib, markii uu la tashaday Amiirka Imaaradda Abu Dhabi, Sheikh Mohamed Bin Zayed Al Nahyan.
CatxZ9DWcAACvWX

Km0x5XFD_400x400

Xigasho: Aljazeera

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan      

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts