HomeWararSomali-Maraykan lala xiriirinayo Kooxda Daacish oo mar kale la maxkamadaynayo.

Somali-Maraykan lala xiriirinayo Kooxda Daacish oo mar kale la maxkamadaynayo.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Abdirizak Mohamed Warsame oo 20-jir ah ayaa la sheegay in maalinta Khamiista ee soo socoto la hor keeni doono Maxkamadda Federalka ee Gobalka Minnesota, si uu u qirto Dembiga lagu soo oogay.

Eedeysanahaasi waxaa sannadkii hore lagu soo oogay inuu Madax u ahaa Koox Dhallinyarro Somali-Maraykan doonaysay inay qalab u gudbiyaan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan gudaha dalka Syria.

Garyaqaanka Eedeysanahaasi oo lagu magacabo Robert Sicoli ayaa xaqiijiyey inay qorsheynayaan inay Dowladda la galaanWada-xaajood  Dembi-qirasho ah, si  Eedeysanaha looga qafiifiyo xukunka uu muteysan lahaa.

Abdirizak Mohamed Warsame waxaa bishii December ee sannadkii hore lagu soo oogay inuu taageero u fidiyey Kooxda Daacish ee ku sugan dalalka Syria iyo Iraq, waana Eedeysanihii 10-aad ee Soomaalida Maraykanka ee lagu soo oogo Fal-dembiyeedkaasi oo kale.

Eedeysanaha oo sannadkii 2014-kii ka mid ahaa  Shaqaalaha Xamaaliga ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha ee Saint Paul International Airport oo ku yaalla magaalladda Minneapolis ayaa u sheegay Nin War-qaade (Informant) u ah FBI-da inuu samayn karo Gantaal Guri-ku-samayska (Homemade Rockets) oo awoodi kara in lagu soo rido Diyaarad.

Dukumenti ay Boliska FBI horey u soo saareen ayey ku sheegeen inuu Abdirizak Mohamed Warsame u ahaa Hoggaamiye ama Amiir Koox Somali-Maraykan oo doonaysay inay bishii April ee sannadkii 2014-kii ka dhoofaan Maraykanka, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Waxaa kaloo lagu eedeeyey inuu Dhallinyarrada kale ku dhiirigeliyey inay u safraan dalka Syria, isagoo la xiriiriyey Daacish.

Eedeysanayaasha kale ee ay isku Dembiga yihiin Abdirizak Mohamed Warsame ayaa lagu kala magacaabaa Hamsa Ahmed, Adnan Farah, Mohamed Farah, Abdirahman Da’ud iyo Guled Omar, kaasi oo la qorsheynayo in bisha May 9-da la soo gole joojiyo Maxkamadda, si loogu qaado Dacwadahooda.

Dhinaca kale, Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Zakariya Abdirahman iyo Hanad Musse waxay horey u qirteen bishii September ee sannadkii hore inay qalab ku taageereen Kooxda Daacish.

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories