HomeWarar(SAWIRO): Wargeyska WSJ oo wax ka qoray Qarixii Daallo Airlines

(SAWIRO): Wargeyska WSJ oo wax ka qoray Qarixii Daallo Airlines

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wargeyska The Wall Street Journal (WSJ) ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa soo xigtay in Ninkii geystay qarixii Daallo Airlines uu si taxadir leh u soo  hareer maray Ciiddanka Amamanka, isagoo Laptopka ku qariyey Gaariga Curyaaminta ee uu watay.

Wargeyska ayaa soo xigtay Diplomaasi Reer Galbeed ah oo qeyb ka ahaa Baaritaanka in ninka lagu tuhunsan yahay Qaraxa markii uu Diyaaradda gudaha u galay uu Kursi ka fariistay, kadibna uu u sii gudbay kursi kale oo u ufariistay  ilaa uu qaraxii ka dusiyey Hulka ka samaysay Diyaaradda.

Sidoo kale, Waxaa soo baxayo Faahfaahino la xiriirta Dhacdadaasi, iyadoo Afhayeenka Madaxtooyadda sheegay in la qabtay in ka badan 20 qof oo lala xiriirinayo Dhacdadii Qarixii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee NISA ayaa baahisay  Muuqaalo si cad u muujinaya Dhaqdhaqaaqa Ninka lagu tuhunsanaa inuu fuliyey Qaraxii maalintii Talaadadii hore (Bishan February 2-dii) ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku dhex rakiban Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa laga dheehday qaabka uu Ninka qarax geystay loogu dhiibay Laptopka ilaa iyo inta uu ka galay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines ee Duullimaadkeedu ahaa Flight D3159.

Ninka qaraxa geystay oo lagu magacaabi jirey C/llahi Cabdisalam Boorleh ayaa la arkayaa mar isagoo la lugeynayo Nin Laptop gacanta midig ku walfinayo, kaasi oo ugu dambeyntii Laptopka u gudbiyey Ninka curyaanka, ka hor inta uusan Ninkaasi Gaariga Curyaaminta la gelin Diyaaradda.

Ilaa 20 qof ayaa loo xiray Falkaasi, kuwaasi oo ay ku jiraan shaqaale ka tirsan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay fududeeyeen qaraxaasi.

DAAWO SAWIRADDA:

somali.jpg

CCTV FOOTAGE 2 CCTV FOOTAGE4 CCTV FOOTAGE1 CCTV FOOTAGE 3

DIYAARADDA©Radio Dalsan      

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories