HomeWararMaxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Muwaadin Somali oo si...

Maxkamad ku taalla Britain oo xukun ku riday Muwaadin Somali oo si xun u dooxay haweeney.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Maxkamadda The Coventry Crown Court ee dalka Britain waxay Xabsi 15 sanno ah ku riday Nin Somali ah oo lagu magacaabo  Mahad Aadan oo 33-jir ah. Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu bishii September 16-dii ee sannadkii 2013-kii Tooreey ku dhaawacay Haweeney Dhibane ah oo aan magaceeda la shaacinin. Haweeneydaasi oo haatan 23 jir ayaa ka […]

- Advertisement -

Maxkamadda The Coventry Crown Court ee dalka Britain waxay Xabsi 15 sanno ah ku riday Nin Somali ah oo lagu magacaabo  Mahad Aadan oo 33-jir ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu bishii September 16-dii ee sannadkii 2013-kii Tooreey ku dhaawacay Haweeney Dhibane ah oo aan magaceeda la shaacinin.

- Advertisement -

Haweeneydaasi oo haatan 23 jir ayaa ka soo hor muuqatay Maxkamadda, iyadoo ka hadashay qaabkii uu u dhaawacay Ninkaasi, waxayna xustay inuusan jirin wax Xiriir Jacayl ama arrimo kale oo kala dhexeeyey Eedeysanaha.

Dhibanaha waxa uu Tooreyda kaga dhaawacay Wejiga, Luqunta, Laabta, Gacmaha, waxayna haatan la xanuunsan tahay  dhaawac ka gaaray Sambabadda.

Dhinaca kale, Eedeysanaha ayaa la sheegay markii uu ddhaawacaasi geystay inuu u dhoofo dalka Ethiopia, halkaasi oo uu ku sugnaa tan iyo sannadkii hore, ka hor inta uusan dib ugu soo laabanin Britain.

- Advertisement -

Boliska ayaa la sheegay inay Eedeysanaha qabteen, markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow Airport ee magaalladda London.

©Radio Dalsan   

Latest stories