HomeWararAMISOM iyo Ciiddanka Dowladda oo saakayto la wareegay magaalladda Marka.

AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda oo saakayto la wareegay magaalladda Marka.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka waxay sheegeen inay Alshabaab dib uga gurteen magaalladaasi, kadib, markii ay  Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Waaberigii hore ee saakayto dagaal rogaal-celis ah ku qabsadeen magaalladda Marka. Goobjoogayaasha waxay sheegeen in weli la maqlayo rasaas ka dhacayso gudaha iyo daafaha magaalladda Marka. […]

- Advertisement -

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka waxay sheegeen inay Alshabaab dib uga gurteen magaalladaasi, kadib, markii ay  Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Waaberigii hore ee saakayto dagaal rogaal-celis ah ku qabsadeen magaalladda Marka.

Goobjoogayaasha waxay sheegeen in weli la maqlayo rasaas ka dhacayso gudaha iyo daafaha magaalladda Marka.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga ee Maamul-gobaleedka K/galbeed ayaa xaqiijiyey inay weli Hawlgalo ka socdaan gudaha magaalladda Marka, isla markaana ay AMISOM iyo Ciiddanka Dowladda ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha Magaalladaasi.

Alshabaab weli kama hadlin dagaalka maanta la sheegay in lagala wareegay gacan-ku-haynta magaalladda Marka iyo Deegaanadda ku hareeraysan.

Tan iyo Jimcihii la soo dhaafay, magaalladda Marka waxay ku jirtay Xaallad Jahwareer ah, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay marba koox la wareegaysay gacan-ku-haynteeda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Shalay ayey ahayd, markii ay Alshabaab soo bandhigeen Gaari Teniko ah oo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaal ay Ciiddanka Dowladda kula galeen duleedka Marka.

©Radio Dalsan      

Latest stories