HomeWarar(SAWIRO): Guddoomiyaha Dalladda SIMHA oo ka qeyb galay Shirweyne Caalami oo lagu...

(SAWIRO): Guddoomiyaha Dalladda SIMHA oo ka qeyb galay Shirweyne Caalami oo lagu qabtay magaalladda Paris.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA), ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey waxa uu ka qeyb galay Shirweyne Caalami ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda QM ugu qaabilsan Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO oo lagu qabtay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

Kulankaasi waxaa kaloo ka soo qeyb galay Madaxda Hay’adda UNESCO, Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, kuwa Saxaafadda Caalamka iyo Madax ka kala socotay Hay’addaha Warbaahinta Madaxa Bannaan ee dalal ka tirsan Caalamka oo lagu casuumay.

Ajendaha looga hadlayey Shirweynahaasi Caalamiga ee soo qabanqaabisay Hay’adda UNESCO  ayaa ahaa: “Ururradda Warbaahinadda oo u taagan Ammaanka Xirfadlayaasha Warbaahinta”, waxayna Ka-qeybgalayaasha si Koox-koox ah uga arrinsadeen Xaalladaha ay ku sugan yihiin Suxufiyiinta Caalamka iyo sida loogu baahayn yahay in la iska kaashado Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka, gaar ahaan kuwa ka hawlgala dalalka lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta iyo Shaqaalaha Warbaahinadda.

Wada-hadalka Shirweynahaasi oo hal maalin socday ayaa waxa uu Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA), ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey ka jeediyey Khudbad uu kaga hadlay Xaalladda dhabta ah ee ay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ku hawl galaan.

Md. Geesey waxa uu ka mid ahaa Madaxda Warbaahinta ee sida gaarka ah looga xil-saaray inay ka doodaan Mowduuca ku aadan Ammaanka Mujtamaca, gobalka iyo Warbaahinta Maxaliga, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Suxufiyiinta Soomaalida u baahan yihiin in si Heer Caalami loo difaaco, lagana taageero Horumarinta Khibradahooda iyo Sugidda Ammaankooda.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan, Xasan Cali Geesey waxa uu Madasha Shirweynaha UNESCO ee magaalladda Paris kulamo khaas ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (RSF), Christophe Deloire.

Md. Xasan Cali Geeseey oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca  Suxufiyiinta Soomaalida ay farxad weyn u tahay inuu la kulmo Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF, Christophe Deloire, isla markaana uu uga mahadceliyo Taageeradda ay Ururka RSF had iyo jeer la garab taagan yihiin Suuxfiyiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xasan Cali Geesey waxa uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Idaacadaha Bulshadaha Caalamka, Francesco Diasio, waxayna is-dhaafsadeen Aragtiyaha ku aadan Horumarinta Saxaafadda Somalia iyo sidii ay SIMHA xubin uga noqon lahayd Ururkaasi, loo xoojin lahaa Wada-sahqeynta Idaacadaha hoos yimaada Dalladda SIMHA iyo Ururka Idaacadaha Bulshadaha Caalamka ee World Association of Community Radio Broadcasters.

Hassan02 Hassan03 Hassan01

geesey1

UNESCO1

©Radio Dalsan      

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories