HomeWararKu-xigeenka Ra'isul-wasaaraha oo soo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka

Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha oo soo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Batroolka

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Muqdisho, February, 06, 2016——Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Batroolka ee Xukuumada. Ujeedada kormeerkan ayaa aheyd markii dib u habayn balaadhan lagu sameeyay Wasaaradda Batroolka oo gabi ahaanba markii hore burbursanayd, waxaana dadaal dheer oo Xukuumaddu ka gashay ka dib u habayn lagu […]

- Advertisement -

Muqdisho, February, 06, 2016——Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Batroolka ee Xukuumada.

Ujeedada kormeerkan ayaa aheyd markii dib u habayn balaadhan lagu sameeyay Wasaaradda Batroolka oo gabi ahaanba markii hore burbursanayd, waxaana dadaal dheer oo Xukuumaddu ka gashay ka dib u habayn lagu sameeyay.

- Advertisement -

Ra’iisal Wasaare ku- xigeenku Mudane Carteh wuxuu soo kormeeray dhismaha Wasaaradda Batroolka oo ka koobnaa dhisme saddex dabaq ah, loona qalabeeyay qaab casri ah,Waxaanu amaan iyo mahadcelin u jeediyay Wasiirka W/Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo shaqaalaha Wasaarada Batroolka oo xil weyn iska saaray hirgelinta dhismahan cusub.

“Horru-marka ka muuqda Wasaaraddu waxay ku tusaysaa waxqabadka Xukuumada mudadii yarayd ee ay jirtay iyo talaabooyinka hormar ee ay ku talaabsatay” sidaa waxa yidhi Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka DFS.

Kormeerkan uu Mudane Carteh ku tagay Wasaaradda Batroolku wuxuu ka mid yahay la xisaabtanka iyo dhiiri-galinta waxqabadka Dawladda, waxaanu Ra’iisal Wasaare ku –Xigeenku mar walba garab taagan yahay shaqooyinka iyo horu-marka guud ahaan wadanka ka socda.

- Advertisement -

CARTE2 CARTE1 CARTE

——DHAMMAAD—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Latest stories