HomeWararSAWIRO: Muuqaalo cusub oo muujinaya Bistooladdii Dahabka ee Kolonel Qadaafi.

SAWIRO: Muuqaalo cusub oo muujinaya Bistooladdii Dahabka ee Kolonel Qadaafi.

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Weriye ka tirsan Idaacadda BBC-da oo socdaal uu ku dabagalayo qaabkii ay Maleeshiyooyinka Libiya u dileen Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Kolonel Mucamar Alqadaafi ayaa waxa uu soo arkay Sawiro cusub oo Mobayl lagu qaaday, kuwaasi oo aysan weli helin Saxaafadda Caalamka. Weriyahaasi oo lagu magacaabo Gavriel Gatehouse waxa uu raadiyey Ayman Almani oo ahaa Maleeshiyo […]

- Advertisement -

Weriye ka tirsan Idaacadda BBC-da oo socdaal uu ku dabagalayo qaabkii ay Maleeshiyooyinka Libiya u dileen Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi, Kolonel Mucamar Alqadaafi ayaa waxa uu soo arkay Sawiro cusub oo Mobayl lagu qaaday, kuwaasi oo aysan weli helin Saxaafadda Caalamka.

Weriyahaasi oo lagu magacaabo Gavriel Gatehouse waxa uu raadiyey Ayman Almani oo ahaa Maleeshiyo horey Mobaylkiisa ugu duubay markii la dilayey Kolonel Qadaafi, iyadoo Sawiradaasi ka muuqaal fiican yihiin Sawiraddii horey loo baahiyey markii ay Maleeshiyooyinka dileen Qadaafi 5 sanno ka hor.

- Advertisement -

Sawiradaasi waxaa ka mid ah qaabka ay Maleeshiyadda u dileen Hoggaamiyahaasi iyo qaabka u damaashaadeen markii ay dileen Qadaafi, kana qaateen  Bistooladii Dahabka ahayd ee uu Hoggaamiyihaasi lahaa oo isaga la dilay bishii October ee sannadkii 2011-kii.

Kolonel Qadafi waxa uu Xukunka dalka Libya ku qabsaday Afgembi sannadkii 1969-kii, waxaana ugu dambeyntii xilka looga tuuray Kacdoon Dadweyne oo ay Dowladaha Isbahaysiga NATO hawada ka taageerayaan.

DAAWO SAWIRADA:-

- Advertisement -

QADAAFI3 QADAAFI4 QADAAFI5 QADAAFI2 QADAAFI1 QADAAFI00

 

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan 

 

Latest stories