HomeWararKenya oo fasaxday Gaadiidkii u rarnaa WFP ee ay horey u sheegeen...

Kenya oo fasaxday Gaadiidkii u rarnaa WFP ee ay horey u sheegeen in Alshabaab loo waday.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal ka soO baxay Hay’adda QM ee Barnaamijka Cuntadda Adduunka ee WFP ayaa lagu sheegay inay Maamulayaasha Kenya oggolaadeen in Gaadiidkii Xamuulka ee u rarnaa WFP ka gudbaan Xuduudka Somali, kadib, markii ay Boliska Mandera xayireen gaadiidkaasi oo ay ku eedeeyeen inay Alshabaab u gudbinayaan Shixnadaha Raashinka Mucaawanadda. Afhayeenad-gobaleedka WFP u joogta magaalladda Nairobi, Challiss […]

- Advertisement -

Hadal ka soO baxay Hay’adda QM ee Barnaamijka Cuntadda Adduunka ee WFP ayaa lagu sheegay inay Maamulayaasha Kenya oggolaadeen in Gaadiidkii Xamuulka ee u rarnaa WFP ka gudbaan Xuduudka Somali, kadib, markii ay Boliska Mandera xayireen gaadiidkaasi oo ay ku eedeeyeen inay Alshabaab u gudbinayaan Shixnadaha Raashinka Mucaawanadda.

Afhayeenad-gobaleedka WFP u joogta magaalladda Nairobi, Challiss McDonough ayaa u sheegtay Wargeyska The Nation in la sii daayey Gaadiidkaasi, lana xaliyey Isfaham la’aantII u dhexeysa Dowladda Kenya iyo Hay’adda WFP.

- Advertisement -

Afhayeenadda waxay tilmaamtay inay Gaadiidkaasi kaalmo cunto ah u wadaan Degmadda Doolow oo ay gacanta ku hayaan Ciiddanka AMISOM, waxayna xustay inay Ilaalo u joogaan halkaasi si ay u hubiyaan inaan Gargaarkaasi loo weecanin Alshabaab.

Dhinaca kale, Hay’adda WFP waxaa sannadkii 2010-kii laga mamnuucay inay ka hawlgalaan Deegaanadda ay Alshabaab ka maamulaan Goballadda Somalia, kadib, markii lagu eedeeyey WFP inay bixin waayeen canshuur dhan 20,000 oo Dollar iyo inay Haweenka shaqaalaysiiyaan

©Radio Dalsan      

Latest stories