HomeWararBoliska Uganda oo loo keenay Gawaari Gaashaaman oo  ay u adeegsadaan Ammaanka iyo...

Boliska Uganda oo loo keenay Gawaari Gaashaaman oo  ay u adeegsadaan Ammaanka iyo Doorashadda Madaxtinimadda

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Dekedda magaallaadda Mombasa ee dalka Kenya waxaa soo gaaray Markab wada Labaatameeyo Gaadiidka Gaashaman oo u muuqaal eg Gawaarida Gaashaaman ee Boliska Kenya isbuucii hore loo keenay.

Wargeyska The Star oo soo bandhigay Muuqaaladda Gaadiidkaasi loo wado Boliska Uganda ayaa qoray inay  Gaadiidkaasi  isugu jiraan Gawaarida Gaashaaman, kuwa loogu hortago Dibadbadayaasha, kuwa Booyadlaha ee laga tuuro Biyaha lagu kala cayriyo Dibadbaxayaasha iyo gadiidka loogu talagalay in lagu xaaqo waxyaabaha Jidadka lagu xiro.

Ilo-wareedyo ayaa waxay sheegayaan in Gaadiidka Gaashaaman ee Boliska Uganda uga soo degay Dekedda Mombasa loogu talagalay in lagu sugo Ammaanka Doorashadda Guud ee Uganda oo dhici doonta bishan February 18-da.

Qunsulka Guudee Uganda u jooga Kenya, Tayebwe Katureebe oo wax laga weydiiyey Gaadiidkaasi ayaa sheegay inusan wax war ah ka hayin arrinkaasi.

“Kuma baraarugsani arrinta Gaadiidka Boliska ee yaalla Dekedda, balse haddii ay halkaasi yaallaan ma aha micnaha in loogu  talagalay Doorashooyinka” ayuu yiri Diplomaasigaasi oo u waramay Wargeyska The Star.

Tayebwe Katureebe waxa uusan meesha ka saarin in Gaadiidkaasi loo adeegsanayo La-dagaalanka Alshabaab, isagoo sheegay inay Uganda muddo dheer dagaal kula jireen Alshabaab, tan iyo markii ay Ciiddanka Uganda tageen Somalia, kuna biireen Hawlgalka AMISOM sannadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka Uganda, waxa uu Madaxweyne Yoweeri Museveni doonayaa inuu sii kororsado Madaxtinimadiisa 30-ka sanno ee uu hayey Hoggaanka Uganda, inkastoo ay xilkaasi kula loolamayaan Hoggaamiyaha Mucaardka, Kizza Besigye iyo A mama Mbaabazi.

Kooxaha Xuquuqda Aadanaha waxay  ku eedeeyeen Dowladda Uganda inay u adeegsadaan Ammaanka Qraanka, si ay ku caburiyaan Kooxaha sida kulul u naqdiya Madaxweyne Museveni.

UGANDA POLICE APC UGANDA POLICE APC00

©Radio Dalsan 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories