HomeWarar(Xog Culus): Dowladda Kenya oo go'aansatay inay macluuliyaan Alshabaabka ku sugan dhulka...

(Xog Culus): Dowladda Kenya oo go’aansatay inay macluuliyaan Alshabaabka ku sugan dhulka xuduudka.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Ilo ku dhow Dowladda Kenya oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay inay Koox ka tirsan Saraakiisha Ammaanka ku sugan Mandera lagu amray inay  xayiraan dhamaan Shixnadihii Gargaarka Samafalka ee u gudbi jirey Xuduudka Somalia.

Ilo-wareedkaasi oo u waramay Wargeyska The Nation ayaa sheegay in go’aankaasi looga dan leeyahay in la macluuliyo Alshabaab, isla markaana laga horjoogsado inay gaaraan Shixnadaha Raashinka ee u gudbayo xuduudka Somalia.

Ilo-wareedka ayaa xusay in go’aankaasi ciqaab u yahay weerarkii ay Alshabaab  bartamihii bishii hore ee Janaayo ku dileen tiro ka mid ah  Askartii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Go’aanka Dowladda Kenya ku xayirayso Shixnadaha Gargaarka u soo gudbin jirey Somalia ayaa waxa uu yimid, iyadoo uu Guddoomiyaha Gobalka Mandera, Fredrick Shisia  sheegay inay qabteen 3 gawaarida Xamuulka oo u rarnaa Hay’adda QM ee Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP.

Waxa uu tilmamaay inay ku tuhunsan yihiin inay Shixnadahaasi loo waday Alshabaabka ku sugan Degmadda Dolow Somalia.

©Radio Dalsan   

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories