HomeWararSoomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis iskaashi

Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixdey heshiis iskaashi

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya waxay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan. Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan. Wasiirka Arrimaha Dibedda […]

- Advertisement -

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya waxay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan.

Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC) ayaa kaalin weyn ka qaadan doona xoojinta iskaashiga labada waddan.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan oo markii ugu horeysey ay labada dal kala saxiixdeen sannadkii 2005, uu yahay mid shantii sannaba dib u eegis lagu sameeyo, si loo darso baahiyada muhiimka ah ee jira iyo wixii qabsoomay.

Dhanka dalke Kenya, waxaa heshiiskan u saxiixday Wasiirka Arrimaha Dibedda Amina Mohamed Jibril, oo iyana sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.

- Advertisement -

Sida uu dhigayo heshiiska Guddiga Wadajirka ee Iskaashiga labada dal ayaa saxiixa wasiirrada kadib, ansixinta heshiiskan si uu dhaqan gal u noqdo, waxaa iska leh madaxweynayaasha labada dal. Waxaana mustaqbalka dhow la filayaa in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ay qalinka ku duugaan heshiiskan.

SOMALI - KENYA 2 SOMALI - KENYA

—————————-DHAMMAAD—————————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories