HomeWarar(SAWIRO): Uhuru Kenyatta oo Gaaneri noqday iyo Talyaaniga oo Diyaarad Helikoptar ugu...

(SAWIRO): Uhuru Kenyatta oo Gaaneri noqday iyo Talyaaniga oo Diyaarad Helikoptar ugu deeqay Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Shirkadda Agusta Westland ee farsamaysa Helikopteradda, lagana leeyahay dalka Talyaaniga ayaa la sheegay inay Boliska Kenya ka iibiyeen Diyaarad Helikoptar ah, taasi oo saacadiiba ku duuli karta masaafo dhan 300 KM. Shirkadda waxay kaloo tababar u dirtay 10 Duuliye iyo 6 Enjineer, kuwaasi oo lagu soo tababaray Wershadda Shirkadda Agusta Westland oo ku taalla Caasimadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shirkadda Agusta Westland ee farsamaysa Helikopteradda, lagana leeyahay dalka Talyaaniga ayaa la sheegay inay Boliska Kenya ka iibiyeen Diyaarad Helikoptar ah, taasi oo saacadiiba ku duuli karta masaafo dhan 300 KM.

Shirkadda waxay kaloo tababar u dirtay 10 Duuliye iyo 6 Enjineer, kuwaasi oo lagu soo tababaray Wershadda Shirkadda Agusta Westland oo ku taalla Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome.

- Advertisement -

Diyaaradaasi oo qaadi karta ilaa 15 qof ayaa ah nooca Labaada Matoor leh.

Wargeyska The Standard ayaa qoray inay diyaaradaasi qaadi karto 15 qof, isla markaana ay awoodi karto inay hawada ku jiri karto muddo 6 saacadood oo xiriir ah, iyadoo aan u baahnayn in Shidaal kale lagu shubo.

Waxaa kaloo la sheegay inay Diyaaradaasi awoodi karto inay ku  duuli karto hal matoor, haddii ay dhacdo inuu mid ka mid ah matooradeeda cillad ku qabsato Hawada Sare.

- Advertisement -

Diyaaradaasi ayaa la sheegay in lagu xoojinayo Awoodda Boliska Kenya ee ay kula dagaalami karaan Alshabaab oo laf dhuun gashay oo kale ku noqday Ciiddanka Kenya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu shalay Boliska ku wareejiyey in ka badan 30 Gaadiidka Gaashaaman ee Ciiddanka lagu daad-gureeyo ee loo yaqaano Beebaha, si loogu xoojiyo Hawlagalka ay kula jiraan Alshabaab.

Uhuru Kenyatta waxa uu shalay ka qeyb galay Tijaabinta Gaadiidkaasi oo lagu qabtay Xafaadda Ruaraka ee magaalladda Nairobi, wuxuuna gudaha u gaalay mid ka mid ah Beebayaasha cusub, isagoo sidii Gandheri oo kale qabsaday Qoriga Boobaha Culus ee ku rakiban Beebayaaasha.

Ilo ku dhow Ciiddanka Boliska Kenya ee u tababaran sida Milliteriga ayaa sheegay inay  Gaadiidkaasi kaga hawlgeli doonaan Deegaanadda ay Alshabaab ka fuliyaan Weeraradda, oo ay ku jiraan magaallooyinka Mandera, Garissa, Mombasa iyo Laamu.

UHURU IN APC

UHURU KENYATTA IN APC

uhuru-apc APC 1 APC000

KENYA POLICE HELICOPTER

©Radio Dalsan      

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts