HomeWarar(SAWIRO): Mataanayaashii ugu da’da yaraa ee isku dheganaa oo la kala waaxay.

(SAWIRO): Mataanayaashii ugu da’da yaraa ee isku dheganaa oo la kala waaxay.

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Koox Dhakhaatiir ka hawlgasha Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalka Switzerland ee Bern ayaa ku guuleystay inay kala waaxaan gabdho mataano ah, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay yihiin carruurtii Mataanaha ee ugu da’da yaraa, oo iyagu dhalan muddo 8 maalmood oo keliya.

Dhakhaatiir tiradoodu dhan tahay 13-qof ayaa ka qeyb galay Hawlgalkaasi oo qaatay in ka badan 5 saacadood, iyadoo Qaliinka noocaasi ah yahay mid naadir ku ah Caalamka, taasi oo la micno ah in Qaliinka noocaasi lagu guuleysan karo 1% .

Labada Gabdhood ee Mataanaha ee lagu guuleystay in la kala waaxeeyo ayaa lagu kala magacaabaa Lydia iyo Maya, waxayna isaga dheganaayeen Beerka oo keliya.

Dhakhaatiirta fulisay Qaliinka waxay sheegeen inay u qorsheysnayd inay labada Mataano kala waaxaan marka ay gaaraan dhowr bilood, balse waxaa Qaliinka soo dedejiyey, kadib, markii ay labada ilmo la soo gudboonaatay xaallad cabsi nololeed (A life-threatening condition).

Mid ka mid ah Mataanaha ayaa la sheegay inuu ahaa mid dhiig badan leh, isla markaana uu sarreeyey Cadaadiska Dhiigga (very high blood pressure), halka midka kale ahaa mid aan lahayn dhiig ku filan.

Hadal ka soo baxay Isbitaalka ayaa lagu sheegay in Qaliinadda Mataanayaasha aad u yar lagu kala waaxayo uu yahay kii ugu horreeyey ee lagu guuleystay, iyadoo kuwii hore ahaan jireen kuwo lagu guul-daraysan jirey.

epa05136973 A handout picture provided by the Inselspital Bern hospital on 31 January 2016 shows formerly conjoined twins Lydia (L) and Maya (R) after an operation to seperate them in Bern, Switzerland, 10 December 2015. Swiss doctors on 31 January said that they had successfully separated conjoined twins only eight days after birth, adding that they were possibly the tiniest patients that have ever undergone such a surgery. The girls weighed a total of 2.2 kilogrammes at the time of the five-hour operation at Bern University Hospital on December 10. They were part of triplets who were born in December, two months ahead of their due date. While one sister was born healthy, the other two were joined at their chests, livers and hearts. The parents and the doctors decided to separate the girls so soon after birth because the joined liver created serious blood pressure problems in both babies. EPA/INSELSPITAL BERN/HANDOUT MANDATORY CREDIT HANDOUT EDITORIAL USE ONLY/NO SALES
TWINS 2

TWINS

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories