HomeWararIFJ: Tirada Suxufiyiinta lagu dilay Caalamka Rubuc Qarnigii la soo dhaafay.

IFJ: Tirada Suxufiyiinta lagu dilay Caalamka Rubuc Qarnigii la soo dhaafay.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Ugu yaraan 2,297 Saxafi iyo shaqaale Warbaahineed ayaa la dilay  25-kii sanno ee ugu dambeeyey, sidaas waxaa lagu sheegay Warbixin cusub oo ay soo saartay Xiriirka Suxufiyiinta Caalamiga “ The International Federation of Journalists (IFJ)”. Warbixinta oo aan weli la daabicin ayaa lagu xusay in Suxufiyiintaas  loo dilay oo keliya inay ka hadleen Dagaallada Caalamka, Kacaanka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 2,297 Saxafi iyo shaqaale Warbaahineed ayaa la dilay  25-kii sanno ee ugu dambeeyey, sidaas waxaa lagu sheegay Warbixin cusub oo ay soo saartay Xiriirka Suxufiyiinta Caalamiga “ The International Federation of Journalists (IFJ)”.

Warbixinta oo aan weli la daabicin ayaa lagu xusay in Suxufiyiintaas  loo dilay oo keliya inay ka hadleen Dagaallada Caalamka, Kacaanka, Dembiyadda iyo Musuqa, iyadoo Dilayaasha weli sii wadaan inay ugaarsadaan Suxufiyiinta iyadoo aysan jirin Cid la xisaabtamayso ama soo Maxkamadaynayso.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka ee AP oo loo dusiyey Nuqul ka mid ah Warbixintaasi oo ka kooban 79 Bog ayaa waxa uu Xoghayaha Guud ee Xiriirka Suxufiyiinta Calaamiga, Anthony Bellanger sheegay inay Suxufiyiinta xaallad aad u khatar badan la kulmeen 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

Waxa uu intaasi ku daray in sannadkii 2006-dii ahaa Sannadkii ugu xumaa Suxufiyiinta, iyadoo 115 Saxafi lagu dilay Caalamka.

IFJ waxay ku qiyaastay in la baaro oo keliya mid ka mid ah Toban Kiis ee lagu dilo Suxufiyiinta, waxayna ku baaqeen in la joojiyo La-xisaabtan la’aanta Dembiilayaasha sida joogtada u dila Suxufiyiinta.

- Advertisement -

Dhinaca kale, 25-kii sanno ee la soo dhaafay, waxaa Liiska dalalka ugu khatarta badan ee lagu dilo Suxufiyiinta Kaalinta Koowaad ka gashay dalka Iraq oo tan iyo markii ay Maraykanka duullaanka ku qabsadeen dalkaasi sannadkii 2003-dii  lagu dilay 309-Suxufi.

Waxaa kaalinta Labaad ku jirta dalka Filibiin oo lagu dilay 146 Suxufi, iyadoo Kaalinta Saddexaad ku jirto dalka Meksiko, iyadoo Kooxaha ka ganacsada Daroogooyinka dileen 120-Saxafi.

IFJ2 IFJ 0000 IFJ

Xigasho: IFJ

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts