HomeWararSaddex qof oo mid surka laga jaray oo laga helay Tuullo hoos...

Saddex qof oo mid surka laga jaray oo laga helay Tuullo hoos tagta Degmadda Laamu ee Kenya.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Boliska Degmadda Laamu ee Kenya ayaa xaqiijiyey in la dilay 3 qof, lana dhaawacay dhowr kale, kadib, markii ay Kooxo hubeysan ay Waaberigii hore ee saakayto weerar ku soo qaadeen Tuulladda Kaisari ee ku dhow Deegaanka Pandanguo ee Degmadda Laamu.

Sarkaal ka tirsan Boliska oo la hadlay Wargeyska Maaminlaha ee Tha Nation ayaa sheegay in koox aad u hubeysan oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ay Waaberigii hore ee saakayto weerareen Tuulladda Kaisari, oo ay dad ku dileen, kuwo ku dhaawaceen, isla markaana ay dab qabadsiiyeen dhowr guri.

Sarkaalka oo magaciisa la qariyey ayaa u sheegay Wargeyska The Nation inuu tegay Tuulladda, isla markaana uu arkay 3 qof oo mid surka laga jaray, halka mid kalena lagu gubay gurigiisa, iyadoo qofka saddexaad oo la toogtay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu jiro qof afar jeer laga toogtay gacanta, kaasi oo badbaaday, laguna daaweynayo Isbitaalka Mpektoni.

Caaqilka Deegaanka Pandanguo oo la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inuu hayo Warbixin sheegaysa in abaarihii 4:30 habeenimo, ka hor Waaberiga inuu weerar ka dhacay inta u dhexeysa Tuullooyinka Kaisari iyo Jima, isla markaana ay Alshabaab dad nool ka kaxeysteen halkaasi, waa sida uu Wargeyska The Nation qoray.

Waxa uu intaasi ku daray in ilaa 7-dii aroornimo ee saakayto xabbadda laga maqlayey Tuullooyinkaasi.

Bishii July 16-dii ee sannadkii 2014-kii, Tuulladda Kaisari waxaa madaxa looga jarao 9 nin, wuxuuna falkaasi dhacay hal maalin kadib, Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Deegaanka Mpeketoni, laguna dilay in ka badan 60-qof.

Dhinaca kale, Weerarka maanta lagu qaaday Tuullooyinkaasi ayaa yimid kadib, markii Talaadadii la soo dhaafay in ka badan 6 Sarkaal oo ka tirsan Boliska lagu dilay qarax lala beegsaday Labaatameeyo Saraakiil Bolis oo la socotay gaari xamuul oo marayey Tuulladda Milimaani ee duleedka Laamu.

Weerarkaasi waxaa kaloo lagu dhawaacay 4 Sarkaal oo ka badbaaday qarax lala beegsaday gaariga.

LAMU2

©Dalsan Radio

Xigasho: The Nation

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories