HomeWararMUCJISO: Nin gacmahiisa ku yaallaan Burooyin u muuqaal eg Geed baxayo.

MUCJISO: Nin gacmahiisa ku yaallaan Burooyin u muuqaal eg Geed baxayo.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Abul Bajandar waa nin u dhashay dalka Bangaladesh, waxa  uu la dhibaataysan yahay iyadoo ay faraha gacmahiisa iyo kuwa Lugihiisa ka soo baxeen Burooyin fara badan, kuwaasi oo ku sii tarmayo gacmahiisa iyo lugihiisa iyo qeybo kale oo ka mid ah jirkiisa. Ninkaasi oo 25 jir ah Waxa uu ahaan jirey Dareewal kaxeeya Mootooyinka Bajaajka, […]

- Advertisement -

Abul Bajandar waa nin u dhashay dalka Bangaladesh, waxa  uu la dhibaataysan yahay iyadoo ay faraha gacmahiisa iyo kuwa Lugihiisa ka soo baxeen Burooyin fara badan, kuwaasi oo ku sii tarmayo gacmahiisa iyo lugihiisa iyo qeybo kale oo ka mid ah jirkiisa.

Ninkaasi oo 25 jir ah Waxa uu ahaan jirey Dareewal kaxeeya Mootooyinka Bajaajka, balse haatan waxa uu noqday hawlgal, maadaama ay farihiisa qariyeen Burooyinka.

- Advertisement -

Waxa kale oo uu qabaa cuddurka ku dhaca Maqaarka, oo gacmahiisa ka dhigay sida Muuqaalka Xididaha Geed ku korayo gacmahiisa.

Cuddurka dhibaateeya Aadanaha ee uu keeno Fayriska “Human Pappiloma Virus” ayaa la sheegay inuu ku dhacay markii uu 10 sanno jiray.

Dhakhaatiirta ku nool Caalamka waxay ku hawlan yihiin sidii lagu heli lahaa Daawo wax looga qabto Burooyinka dhibaatadda ku haysa Ninkaasi.

- Advertisement -

Dr Samanta Lal Sen o oah Madaxa Xiriiriyaha Machadka Qaranka ee Gubista iyo Qaliinka Balaastikadda “The chief coordinator of National Institute of Burn and Plastic Surgery” ee ku yaalla caasimadda dalka Bangaladesh ee Dhaka ayaa sheegay inay Dhakhaatiirta go’aan ka gaari doonaan Daaweyntiisa, kadib, marka ay Khubarada diyaariyaan Daawadda suurtogelin karta inay ka soo hoobtaan Burooyinka.

Fayriska Human papilloma virus (HPV) ayaa ah magaca loo yaqaano Fayrisyada waxyeeleeya Maqaarka, waxaana jirta in ka badan 100 nooc oo Fayriska HPV.

Ku-dhawaad 30 nooc oo ka mid ah fayriska HPV waxay waxyeello u geystaan qeybta cawrada ee Aadanaha.

Abul Bazadar,1 Abul Bazadar, 6 Abul Bazadar, 5 Abul Bazadar, 4 Abul Bazadar, 3 Abul Bazadar, 2

Waxaa Turjumay Axmed Xaaji Ugaaska

©Radio Dalsan

Latest stories