HomeWararBaarayaasha Kenya ee loo xil-saaray weerarkii Ceel-cadde oo tuhunsan Ciiddankii Dowladda Somalia...

Baarayaasha Kenya ee loo xil-saaray weerarkii Ceel-cadde oo tuhunsan Ciiddankii Dowladda Somalia ee kula sugnaa Xeradaasi.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxay Guddigaasi baarayaan sababaha ay Ciiddanka Somalia uga baxeen Xeradda Ceel-cadde dhowr saacadood ka hor weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku qaadeen Xeradaasi oo lagu dilay Askar badan oo Kenyan ah.

Guddigu waxay tilmaameen inay Saraakiisha Ciiddanka Somalia ka baxeen Qeybtii ay ka degganayeen Xeradaasi, iyagoo aan ku soo wargelinin Ciiddanka Kenya arrintaasi.

Guddiga Baarayaasha Kenya ee Weerarkii Ceel-cadde waxay kaloo baarayaan sababaha dhaliyey inay Isgaarsiinta Ciiddanka Kenya ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde noqdaan kuwo mashquul ah, ka hor Weerarkii Alshababaab ee dhimashada badan dhaliyey.

Ilo ku dhowdhow Waaxda Difaaca Kenya  ayaa sheegay inay Baarayaasha isku hawlayaan sidii lagu ogaan lahaa Isgaarsiintii ugu dambeysay ee dhex marta Taliyayaasha Ciiddanka Kenya iyo kuwa Soomaalida ee ku wada sugnaa Ceel-cadde, ka hor weerarkaas.

Guddiga Baarayaasha Kenya ee Weerarkii Askartooda ku qabsaday Ceel-caddewaxay kaloo isweydiiyeen Tallaabadda ay Dowladda Somalia ka qaaday Taliyayaashii Ciiddanak Somalia ee maamulayey Xerada Ceel-cadde, markii uu Weerarkii Alshabaab dhacayey.

Guddiga Baarayaasha Kenya, waxay kaloo farta ku godeen Xildhibaano Somali ah oo ay ku eedeeyeen inay Askarta Kenya ku tilmaamaan Askar Duulaan ku qabsatay Somalia oo kale.

Horey waxay Guddiga Baarayaasha Kenya ugu eedeeyeen mid ka mid ah Beelaha Soomaalida deggan Nawaaxiga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo inay kaalin ka qaateen qorshihii iyo weerarkii ay Alshabaab bishan 15-dii ku soo qaadeen Xeraddii ay Askarta Kenya kaga sugnaayeen Ceel-cadde, balse ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Eedeymahaasi.

KDF ILAALO

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories