HomeWararWiilkii Soomaaliga ee Haweeneyda ku dilay Sweden oo la shaaciyey magaciisa, sawirkiisa...

Wiilkii Soomaaliga ee Haweeneyda ku dilay Sweden oo la shaaciyey magaciisa, sawirkiisa iyo xilliga la xukumi doono.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Maxkamadda magaalladda Gothenburg ee dalka Sweden ayaa la soo taagay Wiil Soomaali ah, kaasi oo Toddobaadkii hore dilay Haweeney la oran jirey Aleskandar Mezhar, oo ka mid ahayd Shaqaalaha Samafalka ee Xerada lagu hayo carruurta Qaxootiga ee aysan Waalidkooda la soconin ee Deegaanka Molndal ee duleedka magaalladda Gothenburg. Wiilka Soomaaliga oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf […]

- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Gothenburg ee dalka Sweden ayaa la soo taagay Wiil Soomaali ah, kaasi oo Toddobaadkii hore dilay Haweeney la oran jirey Aleskandar Mezhar, oo ka mid ahayd Shaqaalaha Samafalka ee Xerada lagu hayo carruurta Qaxootiga ee aysan Waalidkooda la soconin ee Deegaanka Molndal ee duleedka magaalladda Gothenburg.

Wiilka Soomaaliga oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Khaliif Nuur ayaa la sheegay inuu Tooreey la dhacay Haweeneydaasi oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Lubnaan, taasi oo u geeriyootay dhaawacyaddii la gaarsiiyey.

- Advertisement -

Linda Viking oo ka tirsan Dacwad-oogayaasha Maxkamadda Gothenburg ayaa sheegtay inuu Eedeysanaha sheegtay inuu 15 jir ah, isla markaana ay baari doonaan magaciisa rasmiga iyo da’diisa saxda ah,  waxayna da’diisa ku qiyaaseen 16 jir ilaa 20-jir.

Ilo ku dhow Baarayaasha ayaa u sheegay Wargeyska Mail ee ka soo baxa magaalladda London u sheegeen inuu Eedeysanaha ka weyn yahay 15-jir, isla markaana la arkayo Shaarbihiisa iyo inuu garka iska xiiray.

Eedeysanaha waxaa Khamiistii la soo dhaafay la soo gole-joojiyey Maxkamadda magaalladda Gothenburg, isagoo  oo xilligaasi hagoognaa go’, isla markaana  gacmaha ka jeebedaysnaa.

- Advertisement -

Eedeysanaha waxaa la socday  Garyaqaankiisa Niklos Unger iyo Nin Turjumaan ah, maadaama uu Eedeysanuhu ku hadli karo Afka Soomaaliga oo keliya.

Garsoore Henrik Andersson waxa uu dhowr su’aal weydiiyey Eedeysanaha geystay dilka, ka hor inta uusan ku dhawaaqin in dacwada Eedeysanaha qaab Maxkamad albaabadu u xiran yihiin dib loogu dhegeysan doono bisha soo socota ee Feberaayo 11-da.

Eedeysanaha ayaa la amray in lagu sii hayo Isbitaal ku yaalla duleedka magaalladda Gothenburg, si baaritaan dhinaca Dhimirka loogu sameeyo.

Wiilal la degganaa Eedeysanaha ayaa sheegay inuu isku buuqsanaa, isla markaana uusan seexanin habeenkii, ka hor inta uusan dilin Haweeneyda shaqaalaha Samafalka ka ahayd Xarunta lagu hayo Carrruurta Qaxootiga ah ee ku sugan Deegaanka Molndal ee duleedka magaalladda Gothenburg.


SWEDEN COURT1

 

SWEDEN COURT ID EJ STYRKTAlexandra Mezher

©Radio Dalsan   

Latest stories