HomeWararSweden oo xayirtay Mail Online oo dhowr mar wax ka qortay Wiil...

Sweden oo xayirtay Mail Online oo dhowr mar wax ka qortay Wiil Somali dil geystay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Qoddob-wareed lagu soo daabacay Websaytka Mail Online ee hoos taga Wargeyska The Daily Mail ayey Dowladda Sweden dhibsatay, ka hor inta aysan xayirin(Blocked). Tallaabadan ayaa ka dambaysay, kadib, markii Mail Online lagu soo daabacay War ku aadan shaki la xiriiray da’da nin Qaxooti Somali oo haatan u xiran fal tooreey ah oo ay u geeriyootay […]

- Advertisement -

Qoddob-wareed lagu soo daabacay Websaytka Mail Online ee hoos taga Wargeyska The Daily Mail ayey Dowladda Sweden dhibsatay, ka hor inta aysan xayirin(Blocked).

Tallaabadan ayaa ka dambaysay, kadib, markii Mail Online lagu soo daabacay War ku aadan shaki la xiriiray da’da nin Qaxooti Somali oo haatan u xiran fal tooreey ah oo ay u geeriyootay Haweeney shaqaale ka ahayd Xaeun lagu hayo Carruurta Qaxootiga ee aysan la soconin Waalkidkooda.

- Advertisement -

Toddobaadkii hore, Mail Online waxay daabacday in Qoyska Haweeneyda la dilay ee la oran jirey Alexandara Mezher waxay caddeeyeen inay Marxuumadda intaysan geeriyoonin u sheegtay in ay ka shaki qabto da’da qaar ka mid ah Qaxootiga isku tilmaama inay carruur yihiin ee lagu hayo Xeradda Daryeelka Magangelyo-doonka.

Alexandra Mezher  waxay kaloo waalidkeeda u sheegay inay daryeesho dhallinyaro carruur isku-sheeg ah oo da’dooda gaarayso ilaa 24 sanno.

Qoraalkaasi kadib, Macaamiishka Swedishka ee isticmaala Websaytyadda ayaa waxay la kulmaan Farriin ah in Qoddob-wareedkaasi la xayiray (Blocked).

- Advertisement -

Ilo ku dhow Wargeyska Breitbart London ayaa qoray in la ganaaxay Weriyihii iyo Websaytka Mail Online, laakiin Sweden waxay sheegtay in Wargeyska laga qaadi doonaa Tallaabo Sharci ah.

Koox Suxufiyiin ah oo kasocda Wargeyska The Daily Mail ayaa isbuucii hore u safray magaalladda Göteborg si ay ula socdaan Dacwadda Wiilka Soomaaliga ee dilka geystay.

Boliska Swedish wey diideen inay ka hadlaan Caddaynta Ninka Soomaaliga ee dilka geystay, kaasi oo ka mid ah carruurta magangelyo-doonka ee lagu hayo Degaanka Mölndal, kuwaasi oo la sheegay inay ku jiraan kuwo da’dooda u dhexeyso 14-jir ilaa 17-jir.

Dhinaca kale, Ninka Soomaaliga ee dilka ka geystay Sweden ayaa la filayaa in bisha soo socota ee Feberaayo 11-da la soo taago Maxkamad ay albaabadda u xiran yihiin.

Ninkaasi waxaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Khaliif Nuur.

SWEDEN COURT1

©Radio Dalsan

Latest stories