HomeWararMuwaadin Somali la sheegay inuu ka barbar dagaalamay Xarakadda Alshabaab oo lagu...

Muwaadin Somali la sheegay inuu ka barbar dagaalamay Xarakadda Alshabaab oo lagu xukumay Maraykanka.

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Mahad Xaashi oo 26-jir ah, oo horey u haystay Dhashadda Britishka, balse ay Dowladda Britain kala laabatay sannadkii 2012-kii ayaa shalay la so otaagay Maxkamadda Degmadda Brooklyn ee magaalladda New York, isagoo lagu eedeynayo inuu ku biiray, isla markaana qalab ku taageeray Alshabaab. Garsooraha Maxkmaadda Brooklyn, John Gleeson ayaa ku xukumay Eedeysane Mahdi Xaashi  xabsi […]

- Advertisement -

Mahad Xaashi oo 26-jir ah, oo horey u haystay Dhashadda Britishka, balse ay Dowladda Britain kala laabatay sannadkii 2012-kii ayaa shalay la so otaagay Maxkamadda Degmadda Brooklyn ee magaalladda New York, isagoo lagu eedeynayo inuu ku biiray, isla markaana qalab ku taageeray Alshabaab.

Garsooraha Maxkmaadda Brooklyn, John Gleeson ayaa ku xukumay Eedeysane Mahdi Xaashi  xabsi muddaiisu dhan tahay  9 sanno.

- Advertisement -

Mahad Xaashi oo bishii May ee sannadkii hore la soo maxkamadeeyey ayaa qirtay Dembiyadda lagu soo oogay isaga iyo 2 nin oo Somali haysata Dhalashadda dalka Sweden.

Labada Nin ee Somali-Swedishka oo lagu kala magacaabo Cali Yaasiin Axmed iyo Maxamed Yuusuf waxaa Toddobaadkii hore la soo taagay Maxkamadda Brooklyn, waxaana lagu xukumay min 11-sanno oo Xabsi ah.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inay  Mahdi Xaashi, Cali Yaasiin Axmed iyo Maxamed Yuusuf ku biireen Alshabaab bishii December ee sannadkii 2008-dii, kadib, markii ay ka soo dhoofeen dalalka Britain iyo Sweden.

- Advertisement -

Dacwad-oogayaasja waxay kaloo sheegeen inay  Mahdi Xaashi, Cali Yaasiin Axmed iyo Maxamed Yuusuf  laga soo qabtay dalka Jabuuti sannadkii 2012-kii, iyagoo doonayey inay u sii gudbaan dalka Yemen, si ay ugu biiraan Alqaacidada Gacanka Carbeed.

Dhinaca kale, Dacwad-oogayaasha waxay tilmaameen inay hayaan caddaymo muujinaya in Eedeysanayaasha Cali Yaasiin Axmed iyo Maxamed Yuusuf ka qeyb galeen Dagaalladdii ay Alshabaab Muqdisho kula galeen Ciiddanka Dowladda Somalia iyo Askarta AMISOM.

Eedeysanayaasha waxaa kaloo la sheegay inay saaxiib la ahaayeen Jihadiste Maraykan oo la oran jirey Cumar Xamaami “Abu Mansuur Alamriiki, kaasi oo lagu dilay Somalia sannadkii 2013-kii.

©Radio Dalsan       

Latest stories