HomeWararWar-murtiyeedka Nidaamka Doorashadda ee 2016-ka.

War-murtiyeedka Nidaamka Doorashadda ee 2016-ka.

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxay shalay soo gebagebeeyeen Shirkii bishan January 24-dii uga furmay magaalladda Muqdisho ee looga hadlayey Nidaamka Doorashadda ee sannadkan. Dowladda Federalka ayaa marti-gelisay Shirkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Mahad Cawad, Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Puntland, Jubbaland, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxay shalay soo gebagebeeyeen Shirkii bishan January 24-dii uga furmay magaalladda Muqdisho ee looga hadlayey Nidaamka Doorashadda ee sannadkan.

Dowladda Federalka ayaa marti-gelisay Shirkaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ku-xigeenka Labaad ee Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia, Mahad Cawad, Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Puntland, Jubbaland, K/galbeed iyo Galmudug, Wasiiro iyo Ergooyin ka kala socday Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda xubnaha ka ah Federalka Somalia.

- Advertisement -

Kulankaasi oo socday muddo 2 maalmood, waxay Hoggaamiyayaasha Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyadda sii wadeen qorshahooda Wada-xaajoodka lagu sii ambaqaaday Shirkii Wada-tashiga Qaranka ee dhawaan lagu qabtay magaalladda Kismaayo, waxaana la sameeyey dadaal kasta si Heshiis Tanaasul leh loogagaaro Nidaamka Doorashadda ee sannadkan 2016-ka iyo Xaqiijinta Qorshahaasi.

Haddaba, gunaanadkii Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ku yeesheen magaalladda Muqdisho waxaa laga soo saaray Jadwalka Shaqo oo Nidaamka ugu wanaagsan ee loo qaban karo Doorashooyinka sannadkan 2016-ka.

War-murtiyeedka laga soo saaray Shirkaasi ayaa waxa lagu soo bandhigay Nidaamka Doorashadda Kuraaska Barlamaanka iyo Tirooyinka loo qoondeeyey Maamul-gobaleedyadda.

- Advertisement -

Aqalka Hoose ee Barlamaanka (Lower House of Parliament):

  • Tiradda Kuraasta Barlamaanka ee Aqalka Hoose waxa uu noqon doonaa 275 Kursi.
  • Kuraasta Aqalka Hoose waxaa lagu soo xuli doonaa Nidaamka 4.5
  • Qiyaastii Celcelis ahaan 30% oo ka mid ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Barlamaanka waxaa kayd looga dhigi doonaa Haweenka Soomaaliyeed.

Aqalka Sare ee Barlamaanka:

  • Aqalka Sare ee Barlamaanka waa in la dhisaa ka hor Nidaaminta Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
  • Aqalka Sare waxa uu ka koobnaan doonaan 54 xubnood.
  • 48 xubnood oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa si isku mid ah u qeybsanayo Dowladaha xubnaha ka ah Federalka (Somaliland, Puntland, Galmudug, K/Galbeed, Jubbaland iyo Maamul-gobaleedka Hiraan iyo Shabellada Dhexe).
  • Lixda xubin oo ka soo haray xubnaha Barlamaanka Aqalka Sare waxaa si isku mid ah u qeybsanayo Somaliland iyo Puntland, iyadoo laga duulayo  Heerka Siyaasadda iyo iyagoo ay ku yaallaan Goballadda ugu badan ee Somalia.
  • Qiyaastii Celcelis ahaan 30% oo ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa kayd looga dhigi doonaa Haweenka Soomaaliyeed.
  • Xubnaha Aqaalka Sare ee Barlamaanka waa in lagu doortaa Shirarka Golayaasha Barlamaan-gobaleedyadda ee Dowladaha xubnaha ka ah Federalka iyo kuwa dhismi doona.

Dhinaca kale,  Dowladda Federalka waxay Ugu dambayntii, uga mahad-celinaysaa Madaxda Dowlad-gobaleedyadda, Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Xubnaha Beesha Caalamka dadaalkooda ku aadan inuu dalka Somalia horey u dhaqaaqo.

War-murtiyeedka ka soo baxay Dowladda Federalka Somalia waxaa lagu caddeeyey in Heshiiska Nidaamka  Doorashada uu cabir u noqon karo Doorashadda sannadkan iyo in horey loo eego maalinta ay Ummadda Soomaaliyeed .

Dowladda waxay sheegtay in Heshiiskan Doorashada noqon doono qiyaasta sannadka 2016-ka iyo maalinta ay dadkeenna xaqa inay codeeyaan.

Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyeen War Murtiyeedka laga soo saaray Nidaamka Doorashadda ee bisha September ka dhici doona dalka Somalia.

©Radio Dalsan   

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts