HomeWararMadaxweynaha Somalia oo Kulan qaatay dhowr saacadood la yeeshay Guddiga Difaaca ee...

Madaxweynaha Somalia oo Kulan qaatay dhowr saacadood la yeeshay Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Kenya

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Labaad booqasho ku jooga dalka Kenya waxa uu xalay Kulan qaatay muddo 3 saacadood ah la yeeshay Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Xiriirka Dibedda. Kulankaasi oo ka dhacay Hotelka Booma Inn Hotel magaalladda Eldoret ee Galbeedka Kenya ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa Guddoomiyaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii Labaad booqasho ku jooga dalka Kenya waxa uu xalay Kulan qaatay muddo 3 saacadood ah la yeeshay Guddiga Barlamaanka Kenya ugu qaabilsan Difaaca iyo Xiriirka Dibedda.

Kulankaasi oo ka dhacay Hotelka Booma Inn Hotel magaalladda Eldoret ee Galbeedka Kenya ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay ka mid ahaa Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka dibedda ee Barlamaanka Kenya, James Gethenji iyo Safiirka Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamal Mohamed Hassan.

- Advertisement -

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in Kulankaasi aad looga hadlay horumarka laga sameeyey Xaqiijinta Ammanka Somalia tan iyo wixii ka dambeeyey weerarkii ay Alshabaab bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Askartii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya, James Gethenji waxa uu sheegay inay Guddi u saarayaan si ay baaritaano ugu soo sameeyaan weerarkii lagu dilay Askarta Kenyanka iyo Doorka Kenya ee Hawlgalka AMISOM.

“Waxaan doonaynaa inaan dood dhex dhigno Barlamaanka oo looga xaajoonayo Doorka Kenya ee Dib-u-xoreynta Somalia” ayuu yiri James Gethenji.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Hawlgalka Somalia laga gaaray guul, balse loo baahan yahay in dib looga fekero Caqabadaha ku gudban in Horumar dhamaystiran laga gaaro Hawlgalkaasi.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts