HomeWararHRW oo cambaaraysay Tacadiyada ay Hay'addaha Ammaanka Kenya u geystaan Qaxootiga Soomaalida

HRW oo cambaaraysay Tacadiyada ay Hay’addaha Ammaanka Kenya u geystaan Qaxootiga Soomaalida

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxay shalay soo saartay Warbixin-sannadeedka 2016-ka oo lagu soo bandhigay Xaalladda Guud ee Xuquuqda Aadanaha ee ka jirta 90-dal oo ka mid ah Dalalka Caalamka. Warbixinta oo ka koobnayd 659 bog ayaa waxay ka hadashay Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya, waxayna sheegtay inay Siyaasadda Dowladda Kenya […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxay shalay soo saartay Warbixin-sannadeedka 2016-ka oo lagu soo bandhigay Xaalladda Guud ee Xuquuqda Aadanaha ee ka jirta 90-dal oo ka mid ah Dalalka Caalamka.

Warbixinta oo ka koobnayd 659 bog ayaa waxay ka hadashay Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya, waxayna sheegtay inay Siyaasadda Dowladda Kenya noqotay inay bartilmaameed ka dhigtaan Suxufiyiinta iyo Qaxootiga Soomaalida.

- Advertisement -

HRW REPORT 2016Warbixinta waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Kenya geystaan xarig sharci-darro, jirdil iyo dil, iyadoo la beegsado Dadka Soomaalida ee looga tirade badan yahay Kenya iyo Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xerooyinka.

Warbixinta ayaa muujisay inay Ciiddanka Ammaanka dadka Soomaalida u beegsadaan, kuna soo oogaan in lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Warbiixnta waxay xusaty muddadii ay Hawlgalladda La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ka wadeen Nairobi, W/bari Kenya iyo Gobalka Xeebta in la waayey dad badan oo ay Ciiddanku qabteen.

- Advertisement -

Warbixinta ayaa muujisay inay Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ay hawlgal  ku qaadeen Bulshooyinka, tan iyo wixii ka dambeeyey Weerarkii ay Alshabaab bilihii June iyo July ee sannadkii 2014-kii ku qaadeen Goballadda Tana River iyo Laamu.

Hay’adda Xuquuqda Adaanaha ee Human Rights waxay kaloo sheegtay in colaadaha ka dhankaah Qaxootiga Soomaalida kordheen tan iyo wixii ka dambeeyey Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa sannadkii hore, laguna dilay 147 qof, laguna dhaawacay 79-kale.

“Dowladda Kenya iyagoo aan haba yaraatee haynin Caddaymo muuqda ayey ku celceliyaan Eedeymaha lagu sheegayo inay Qaxootiga Soomaalida mas’uul ka yihiin caqabadaha colaadeed ee soo wajahay Kenya” ayaa lagu yiri Warbixinta Human Rights Watch.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Dowladda Kenya ku cabsi-geliyaan Qaxootiga Soomaalida in dib loogu celinayo dalkooda hooyo.

Hay’adda waxay Hanjabaadaasi markhaati uga dhigtay hadalkii uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto sannadkii hore sheegay in Xerada Qaxootiga Dhadhaab la xiri doono sannadkan.

Xigasho: HRW

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts