HomeWararSarkaal Maraykan oo shaqada looga cayriyey isagoo cabsi geliyey Wiil Somali ah

Sarkaal Maraykan oo shaqada looga cayriyey isagoo cabsi geliyey Wiil Somali ah

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Sarkaal caddaan ah oo ka tirsan Boliska magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa shaqadiisa ku waayey, kadib, markii lagu ogaaday baaritaan Muuqaal lagu qaaday Kaamerada Mobaylka oo laga duubay Sarkaalka isagoo ugu hanjabo Wiilka Soomaaliga inuu lugaha ka jebin doono. Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Rod Webber ayaa Hadalkaasi hanjabaadda ee qeylada ah ku dhawaaqay, xilli […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sarkaal caddaan ah oo ka tirsan Boliska magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa shaqadiisa ku waayey, kadib, markii lagu ogaaday baaritaan Muuqaal lagu qaaday Kaamerada Mobaylka oo laga duubay Sarkaalka isagoo ugu hanjabo Wiilka Soomaaliga inuu lugaha ka jebin doono.

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Rod Webber ayaa Hadalkaasi hanjabaadda ee qeylada ah ku dhawaaqay, xilli ay Gaadiid badan mashquul ka dhigeen Waddada.

- Advertisement -

Dhibanaha Soomaaliga oo lagu magacaabo Xamsa Jeylaani oo 17 jir ah ayaa sheegay inuu Sarkaalka si kulul ugu hanjabay, uguna goodiyey inuu lugaha ka jebin doono ka hor inta aadan helin fursad ay ku baxsato.

Dhacdadan oo dhacday bishii Maarso ee sannadkii hore ayaa waxaa uu dareen xoog leh ka dhex abuuray Boliska iyo Soomaalida looga tirada badan yihiin magaalladda Minneapolis iyo guud ahaan dalka Maraykanka.

Muuqaalka Video-ga waxaa duubay wiil saaxiib la ah Dhibanaha Xamsa Jeylaani, waxaana laga maqlayey  Xamsa oo weydiinayo Sarkaalka sababaha uu isaga u xirayo, wuxuuna Sarkaalku ku jawaabay “Waayo waxaa dareemayaa sidii anigoo ku xirayo Adiga”.

- Advertisement -

Sarkaalka shaqada Boliska Minneapolis looga cayriyey Cabsi-gelinta Wiilka Soomaaliga ayaa la sheegay inuu yahay Sarkaalkii 7-aad ee laga cayriyo Boliska Minneapolis.

©Radio Dalsan                          

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts